4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Wefdi uu Hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole)  iyo wefdi uu horkacayo oo maalntii 5aad booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan madaxda Jabuuti.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Inj. Siciid Maxamed Raage oo qayb ka ah wefdiga Puntland ayaa HOL u sheegay in kulanka labada dhinac la iskula soo qaaday arimo badan, islamarkaana uu is-afgarad kusoo dhamaaday.

Inj. Siciid ayaa intaas raaciyey qodobada ugu muhiimsan ee kulanka Puntland iyo Jabuuti lagu soo qaaday ay kamid ahaayeen: xoojinta xiriirka ka dhexeeyada labada dhinac, dardar gelinta nidaamka axsaabta ee Puntland iyo ka wada shaqeynta xoojinta ammaanka guud ee gobolka.

“Waxaa ugu muhiimsanaa sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka argagixisada iyo weliba sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti oo markiisii horeba ahaa mid wanaagsan” Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland ayaa yiri.

Wefdiga madaxweyne Faroole waxaa kamid ah wasiirka amniga Col. Khaliif Ciise Mudan, wasiirka dekedaha Eng. Siciid Maxamed Raage, wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha Cali Yuusuf (Xoosh)  iyo siyaasi Cali Cabdi Awaare oo isagu horay Puntland xilal dhowr ah uga soo qabtay.

Maalmaha soo socda ayaana la filayaa in ay dalka dib ugu soo laabtaan, waxaana xusid mudan in booqashada uu madaxweynaha Puntland xiligan ku joogo dalka Jabuuti ay noqonayso safarkii ugu horeeyey ee uu sanadkan cusub dalka dibaddiisa ugu baxo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya