4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2013
Askari ka tirsan ciidamada Dowlada Somalia oo Darawal ah ku dilay Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Axad, Jannaayo 20, 2013 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta ku toogtay bartamaha suuqa degmada Jowhar nin taksiile ah oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Daahir Cumar, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in askariga uu dilo ninka taksiilaha.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Jowhar ayaa sheegay in askariga uu si toos ah u toogtay ruuxan rayidka ah, iyadoo aanay jirin wax wadahadal ah oo dhexmaray askariga iyo ruuxa uu toogtay.

“Askarigu wuxuu watay tuute iyo qori fudud, wuxuun dhowr xabadood ku dhuftay taksiilaha waxaana dhaawac soo gaaray taksiilaha loo qaaday isbitaalka guud ee Jowhar, halkaasoo uu daqiiqado kaddib ku geeriyooday, lama oga sababta keentay in dilkan uu geysto askariga,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Jowhar oo kusoo koobay magaciisa Xuseen.

Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen markiiba askarig dilka geystay, iyadoo dilkan uu cabsi weyn ku beegay dadkii ku sugnaa suuqa iyo hareerihiisa.

Magaalada Jowhar oo ciidamada dowladda oo gacan ka helaya AMISOM ay la wareegeen dhammaadkii sannadkii lasoo dhaafay ayaa la sheegayaa inay ciidamada dowladdu dhibaatooyin u geystaan dadka shacabka ah, gaar ahaan xilliyada habeenkii ah.

Dilkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu ka geysto degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya