4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2013
Iskahorimaad muddo socday oo Ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo ku dhexmaray Duleedka Laascaanood

Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Cabsi weyn ayaa saqdii dhexe ee xalay soo wajahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaddib markii duleedka Koonfur-barri degmadaas uu dagaal xoogan oo muddo kooban ku dhexmaray ciidamada Somaliland oo halkaas fariisin ku lahaa iyo ciidammo taabacsan maamulka Khaatumo.

Saddexdii oo rubuc dhiman ayay ahayd markii hugunka rasaasta waa-weyn iyo tan yar-yar ay soo kiciyeen dadkii jiifay iyadoo meel kasta uu buux iyo sawaxan hareerayay, inkastoo aan wax dhacaya la garanayn haddana waxaa jirtay cabsi weyn oo ay dadku ka qabeen inay isku dhacyo dhacaan.

Illaa hadda ma jirto wax khasaare ah oo toos loo sheegi karo oo dagaalku uu sababay, balse sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa HOL u sheegay inaanu wax khasaare ah labadda dhinac soo gaarin, laakiinse wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in saddex gaadiidka deg-degga ah ee loo yaqaan aambalaasta ay u gudbeen dhinaca magaalada Burco.

Weerarkan gaadmada ah oo noqday mid ay fishaan ciidamada Somaliland ka ka tirsan ee jooga deegaannada gobolka Sool tan iyo billowgii bishan ayaa waxaa dhacay iskahorimaadyo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay kaddib markii weerar lagu qaaday degmada Xudur habeen ka ho, sidoo kale afar habeen ka hor ayaa iyadana la weeraray tuulada Ganbadhe oo 30-km ka xigta degmada Laas-caanood dhinaca bariga.

Walaac weyn ayaa kusoo wajahan dad badan oo awal nabad ku deggenaa; kuwaasoo si aad ah uga cabsi qaba inay ku waxyeelloobaan duulaan labada ciidan ku dhexmara Xudun oo ay kumannaan ciidan ah isku horfadhiyaan masaafo ka yar 5-km.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool