4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2013
Qoysas ka Barakacay Jaziiradda Kudhaa ee Koonfurta Jubbada Hoose oo ku Dhibaateysan Deegaanno hoos-taga Badhaadhe

Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Boqollaal qoys oo dhawaan ka barakacay dagaallo iyo duqeymo jaziiradda Kudhaa ee gobolka jubada hoose ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhibaateeysanyihiin deegaano ku dhowdhow Jaziiradaasi.

Mid kamid ah odoyaasha ku dhaqan Jaziiradda Kudhaa oo u waramay HOL isagoo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo dhinaca ammaanka la xiriira, ayaa sheegay in duqeymo ay horaantii bishii tagtay Jaziiradda Kudhaa ay isku weeydaarsadadeen xoogagga Al-shabaab iyo maraakiib ay leeyihiin ciidamada Kenya oo ku sugnaa meel aan sida uga fogeyn Jaziiradda ay sababeen  in dadkii ku dhaqnaa halkaasi ay intooda badan isaga barakacaan.

“Ku dhawaad 500 oo qoys ayaa ka barakacay jaziiradda, dadkaasna nolol aad u liidato ayay ku noolyihiin, waxayna halis u yihiin in ay oon iyo gaajo u dhintaan hadaysan helin gargaar bini aadanimo oo deg-deg ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dadkan oo ka cabsi qabay in ay waxyeelo kasoo gaarto duqeymaha ay labada dhinac isku weeydaarsanayeen halkaasi ayaa u barakacay deegaanada Toosha iyo Seeyo oo hoostaga degmada Badhaadhe islamarkaasina 20-KM dhanka koonfur kaga beegan jaziiradda Kudhaa ee gobolka jubada hoose.

Dadkani oo u badan haween, caruur iyo dad da’ ah ayaa laga deeyrinayaan xaaladooda nololeed, maadaama dhulka ay kusoo barakaceen uu yahay dhul ay ku hardamayaan dhinacyada isku hayo gobollada Jubooyinka, islamarkaasina aysan jirin cid ilaa iyo hadda u fidisay wax gargaar biniaadanimo.

“Dadkan waxaa haysato hoy la'aan, Biyo la'an, cunto la'an iyo waliba daryeel caafimaad la'aan mana jirto cid ilaa iyo haatan gargaar u fidisey iyo cid og,” ayuu yiri mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Kudhaa oo HOL u waramay.

Jaziiradda Kudhaa oo dhanka koonfur galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhaqan kumannaan qoys, kuwaasoo isugu jira kalluumeysato iyo dad ka ganacsada dhuxusha islamarkaasina u iibgeeya magaalada Kismaayo, haseyeeshee  mudooyinkii u danbeeyay waxaa halkaasi ka jiray dhibaatooyin dhinaca nolosha ah, kadib markii ay istaageen howlihii kalluumeysiga, kuwaasoo loo aaneynayo Maraakiib dagaal oo taagan xeebaha gobolka jubada hoose oo dhibaato ku haya kalluumeysatada iyo dabeylo xooggan oo badda ka kacay islamarkaasina sababay in ay socon waayaan doomihii kalluunka ka keen jiray badweynta.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya