4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2013
Dagaal culus oo Ciidamada Huwanta iyo Al-shabaab ku dhex-maray Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose

Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Raaskaambooni iyo xoogagga al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan islamarkaasina labada dhinac ay isu adeegsanayeen hubka fudud iyo kan culus ayaa waxa uu yimid kadib markii cutubyo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen magaaladaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanayay ayaa magaalada Afmadow la wareegay dhamaadkii bishii May ee sanadii tagtay, kadib dagaallo xooggan oo ay Al-shabaab kula galeen duleedka degmadaasi.

Goobjooge ku sugan magaalada Afmadow ayaa HOL u sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid aad u xooggan isla maarkaasina rasaas culus laga maqlayay gudaha iyo daafaha magaalada.

Gudoomiyaha degmada Afmadow C/xakiin Xaaji Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii xalay, isagoona xusay in xoogagga Al-shabaab ay u geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isagoona intaasi ku daray in dhankooda uusan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray dagaalkii xalay.

Sheegashada masuulkani ka sokow ilaa imika ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka masuuliyiinta xarakada Al-shabaab oo ku aadan dagaalkii xalay, mana jiraan ilo ka madax bannaan labada dhinac oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Dagaalkii xalay ayaa qeyb ka ah weerarro ay xoogagga Al-shabaab aalaaba la beegsadaan degmooyinka gobolka jubada hoose ay uga suganyihiin ciidamada dowaldda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ee iskaashanaya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya