4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2013
Danjire Augustine Mahiga oo Cambaareeyay dilka Wariye Cabdi-xareed

Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine P. Mahiga ayaa si kulul u cambaareeyay dilka wariye Cabdi Hareed Cismaan Aadan kaasoo ay kooxo baastoolado ku hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Masuulkani ayaa sheegay in dilkani yahay kii ugu danbeeyay ee dilal isdaba joog ah oo loo geeysanayay saxaafadda Soomaalida, isagoona sheegay in arintani aysan ahayn mid indhaha laga daboolan karo.

Masuulkani ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay soo dedejiso dhismaha ciidamada gaarka ah ee ku shaqada leh arimaha caynkan oo kale ah, kuwaasoo uu sheegay in uu hore u ballan qaaday madaxweeynaha dalka Soomaaliya, si buu yiri ay deg-deg ugu baaraan dhamaan kiisaska la xiriira dilalka ka dhanka ah saxaafadda Soomaalida islamarkaasina ay cadaaladda u horkeenaan dadka ka masuulka ah dilalkaasi.

“Saxaafad xor ah oo madax bannaan waa laf dhabarta dowlad dimuqraadi ah, iyo bulsho siman,” ayuu yiri masuulkani.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaal kasta oo ka dhan ah saxaafadda in uu yahay mid looga soo horjeedo dowlad wanaagga, isagoona intaa ku daray in xuriyatul qowlka ay tahay mid uu ogolaanayo dastuurka dowladda Soomaaliya.

Ugu danbeyn waxa uu tacsi u diray ehellada maruumka geeriyooday, asxaabtiisa, shaqaalaha idaacadda Shabelle iyo guud ahaan saxaafadda Soomaalida ee uu ka baxay allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Xareed Cismaan Aadan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaalia