3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu horkacayay oo gaaray Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota

Jimco, Jannaayo 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaanahan booqasho ku joogay dalka Mareykanka ayaa gaaray maanta oo Jimco ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota maalin kaddib markii dowladda Mareykanka ay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya kaddib labaatan sano oo colaado ah.

Somalian President Mohamud speaks during a conference with US Secretary of State in Washington. AFP photoXasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kumi doona Minneapolis jaaliyadda Soomaailyeed ee halkaas ku nool, isagoo uga warbixin doona xaaladda uu ku sugan yahay dalka, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo dagaalkii ay dowladdu la gashay Al-shabaab.

Sidoo kale, wuxuu waxyaabaha uu madaxweynuhu uga wrabixin doono bulshada Soomaaliyeed ee uu kula kulmayo gobolka Minnesota ayaa waxaa ka mid ah dhaqaalaha dalka halka uu marayo iyo weliba dib u dhiska Soomaaliya oo ay dagaallo burburiyeen.

“Fikirkiinna iyo waayo-aragnimadiida waa mid ay Soomaalidu baahi weyn u qabaan,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri hadal uu xalay u jeediyay Soomaalida ku nool magaalada Washington iyo nawaaxigeeda. Wuxuuna ku daray hadalkiisa: “Dhibaatada Soomaali oo dhan ayay haysaa, Qurbo-joogta iyo kuwa gudaha ku sugan waxaa laga doonayaa inay ka qaybgalaan sidii ay dalka ku dejin lahaayeen, idinkana waxaa la idinka doonayaa inaad dib ugu laabataan Soomaaliya. Dalkuna idinka ayuu sugayaa inaad dejisaan oo aad ku celisaa sidii hore ee uu ahaan jiray.”

Gobolka Minnesota oo ah gobolka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa ka socota qabanqaabo lagu doonayo in madaxweynuhu uu khudbad uga jeediyo hool ay isugu imaanaya Soomaali badan oo ku nool dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton iyo madaxweynaha Mareykanka Barack Oboma, iyadoo madaxda Mareykanku ay ku dhawaaqeen inay aqoonsadeen dowladda Soomaaliya ayna fureen baal cusub oo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/18/2013 12:10 PM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine P. Mahiga ayaa si kulul u cambaareeyay dilka wariye Cabdi Hareed Cismaan Aadan kaasoo ay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

1/18/2013 11:40 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) -Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay ina y wado qorshe ay ku dooneyso sidii barakacayaasha ku dhaqan Muqdisho looga rari lahaa xerooyinka ay imika ku jiraan islamarkaasina loo dajin lahaa goobo ka baxsan magaalada.

1/18/2013 9:07 AM EST
Jimco, Jannaayo 18, 2013 (HOL)- Ardayda jaamacadda Hargeysa gaar ahaana kuuliyadda cilmiga deegaanka, ayaa xalay soo agaasimay xaflad lagaga hadlayey qaabka ugu haboon ee loo dhimi karo qashinka iyo sida looga faa’iidaysan karo,kuwaas oo ku qabsaday hoolka jaamacadaasi.

1/18/2013 9:00 AM EST
Jimco, January 18, 2013(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalmahan ku mashquulsanaa kulamo uu la leeyahay madaxda sare ee dalka Mareykanka iyo deeq-bixiyayaal caalami ah ayaa waxaa uu xalay la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Washington, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay munaasabadda ka qeybgaleen dad Soomaali ah oo ka kala tegay gobollada dalka Mareykanka iyo dalka Canada.

1/18/2013 2:36 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) -Taliyaha ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgallo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda ay ka wadeen degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

1/18/2013 2:09 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Kooxo hubeysan oo aan la heybtooda la aqoon ayaa saaka weeraray wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo u shaqeyn jiray idaacadda Shabelle xilli uu ku sugnaa suuqa weyn ee degmada Wadajir.

1/18/2013 1:58 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan casho sharaf ah oo looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka dalka isugu yeeray saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.