4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2013
Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in barakacayaasha ku dhaqan Muqdisho la dejin doono meel ka baxsan magaalada

Jimco, January 18, 2013 (HOL) -Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay ina y wado qorshe ay ku dooneyso sidii barakacayaasha ku dhaqan Muqdisho looga rari lahaa xerooyinka ay imika ku jiraan islamarkaasina loo dajin lahaa goobo ka baxsan magaalada.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta la hadlaay ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay wado qorshe ay ku dooneyso in dadka barakacaasha ah ee ku dhaqan Muqdisho loo raro goobo ka baxsan magaalada islamarkaasina ka wanaagsan halka ay imika ku jiraan.

Masuulkani ayaa sheegay in dadkani laga rarayo xerooyinka ay ka daganyihiin magaalada Muqdisho la dajin doono goobo ka baxsan magaalada islamarkaasina ay halkaasi ku heli doonaan adeegyo aysan imika heysan oo ay kamid yihiin ammaan, caafimaad, waxbarasho iyo weliba biyo nadiif ah.

Wasiirka ayaa sheegay in xerooyinka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo aan u wanaagsanay nadaafadda, bilicda iyo weliba amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dadka barakacaasha ahi la dajin doono goobo ka wanaagsan halka ay imika ku noolyihiin.

Masuulkani ayaa sheegay in daadgureynta barakacayaasha iyo dib udejintoodaba ay la kaashan doonaan hay’adaha arimahaasi ku shaqada leh, wuxuuna xusay in howlahaasi ay dhawaan .

Magaalada Muqdisho ayaa waxa  ku yaal xerooyin aad u tiro badan oo ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah, kuwaasoo ku hanti beelay abaarihii sanadii 2011 ku dhuftay dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaalia