4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2013
Ardayda Kuliyadda Sayniska ee Jaamacadda Hargeysa oo soo bandhigay hab cusub oo qashinka lagu yaraynayo
Jimco, Jannaayo 18, 2013 (HOL)- Ardayda jaamacadda Hargeysa gaar ahaana kuuliyadda cilmiga deegaanka, ayaa xalay soo agaasimay xaflad lagaga hadlayey qaabka ugu haboon ee loo dhimi karo qashinka iyo sida looga faa’iidaysan karo,kuwaas oo ku qabsaday hoolka jaamacadaasi.

Xafladan waxa ka soo qaybgalay wasiirka Deegaanka iyo Harumarinta Miyiga, Maxamed Siciid Gacamay, Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid, Guddoomiyaha Jaamacada iyo aqoonyahano dhanka deegaanka ah.

Ardayda Kuuliyada Sayniska, gaar ahaan qaybta deegaanka ayaa Munaasibadan ku soo bandhigay qorshe lagu yareyn karo qashinka dhibaatada badan ku haya deegaanka, waxayna aqoonyahankii Munaasibad joogay u soo bandhigeen fiidiyow tilmaamaya warshad yar oo qashinka sida bacaha iyo caagadaha u bedalaysa ashyaa muhiim ah sida dharka oo kale, waxayna ku taliyeen oo ay muhiim ku tilmaameen in la isku hawlo sidii dalka loo keeni lahaa warshadaasi, si bacaha iyo caagadaha deegaanka Somaliland meel walba yaala loogaga faa’ideysto.

Maxamed Cabdalle Xuseen oo ka mid ah ardayda fikradan hal abuuray, ayaa sheegay in hawshani bilow u tahay hami ay ku doonayaan in wixii ay barteen ay ugu bedalaan waxqabad muuqda.

“Safar aan dhawaan ku tagay halka dooxyadu biyaha kaga daraan badda ee Ceel-waaq, waxaan ku arkay waxyaabo aad ka murugoonayso oo ah caagadihii, bicihii iyo waxyaabo kale oo la mid ah, kuwaasi ku darsamaya badda, waxyeelana u geysanaya noolaha badda, waanad dareemi kartaa dhibaatada haysata deegaanka aynu ku nool nahay”ayuu yidhi Axmed Ibraahim Cawaale oo aqoon u leh arrimaha deegaanka oo halkaasi ka hadlay.

Prof Axmed Maxamed Cadaad, oo ah hormuudka kuliyada Sayniska, ayaa isaguna ka waramay taariikhda uu soo maray barashada cilmiga deegaanka ee Jaamacada Hargeysa,waxaanu sheegay inaanu shan sanadood ka hor jirin qaybtani, balse ay mudada kooban ee ay jirtay ardayda dhigataa ay sameeyeen horumar, waxaanu tilmaamay inay ku han-weyn yihiin sidii jaamacada loogu rakibi lahaa qalabka saadaasha hawada, isaga oo Maayarka iyo masuuliyiinta kale ka codsaday in wax lagala qabto.

 Maayarka Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid, ayaa sheegay inay qorshayaashooda ka mid tahay sidii Hargeysa looga dhigi lahaa Caasimad qashinka ka caagan, gacantana ku hayaan mashruuc arintaasi la xidhiidha.

Wasiirka Wasaarada deegaanka Somaliland Maxamed Siciid Gacamay oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisa ardayda, isaga oo tilmaamay in munaasibadani tahay tii ugu qiimaha badnayd ee uu ka qayb-gallo isla-markaana ay tahay mid khusaysa deegaanka iyo horumarintiisa oo isaga Wasaaradiisu qaranka u qaabilsan tahay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland