4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2013
Taliyaha Ciidamada Nabad-sugidda Gobolka Banaadir oo ka Warbixiyay Howl-gallada ay ka wadaan Magaalada Muqdisho

Jimco, January 18, 2013 (HOL) -Taliyaha ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgallo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda ay ka wadeen degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidamada nabadsugidda Khaliif Axmed Ereg oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada lagu xdaqiijinayo ammaanka ee ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay soo celinta ammaanka magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya.

Masuulkani ayaa sheegay in ciidamadu ay qaban doonaan qof walba oo danbi gala, xitaa haduu dowladda katirsanyahay, wuxuuna sheegay in howlgalladan ay socon doonaan inta uu ammaanka  dalka ka noqonayo mid la isku haleyn karo.

“Dowladda waxaa diyaar ka ah oo ka go’an in ay amniga magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka ay soo celiso, qofkasta oo dhibaato wada ama dowladda haku jiro ama shabaab ha ahaado cid kasta oo umadda dhibaato ku haysa waa la qabanayaa sharcigaana la horgeynayaa, qofwalbana wixii uu muteysto ayuu leeyahay,” ayuuyiri masuulkani oo warbaahinta la hadlayay.

Masuulkani ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay gacan ka siiyaan ciidamada ammaanka dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga, wuxuuna sheegay ina y ciidamada kusoo wargeliyaan wixii ammaanka lid ku ah ee ay arkaan.

“Waxaan idinka rabnaa in aad nagu saacidaan nabadgelyada, haduu dowladda ka tirsanyahay haduu qof kale yahay cidii dhibaato idin geeysata waad noo so sheegeysaan, kuwa miinada iyo bambooyinka dhigaya iyo waxwalba dhigaya waad noo soo sheegeysaan,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Maalmihii ugu danbeeyay degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho waxaa ka soconayay howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, iyadoona howlgalladaasi ay ciidamadu kusoo qabqabteen dad aad u tiro badan oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya