4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Kooxo hubeysan oo xalay Qof rayid ah oo ku dilay Kismaayo iyo Madaafiic la isku weydaarsaday Duleedka Degmadaas

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) —Ciidamada maamulka KMG ee degmada Kismaayo ayaa xalay toogasho ku dilay mid kamid ah dadka rayidka, waxaana ilaa imika la garanayn sababta ka danbeeysay dilkiisa.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in ciidamo katirsan kuwa ammaanka ee maamulka Kismaayo  ay rasaas ku fureen marxuumka geeriyooday oo magaciisa lagu soo gaabiyay Sagaar.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo oo faahfaahin ka bixiyay marxuumka xalay lagu dilay gudaha degmadaasi.

Dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah ayaa maalimihii u danbeeyay kusoo badanayay magaalada Kismaayo iyadoona shalay suuqa weyn ee balcadka ee bartamaha magaalada Kismaayo ay ciidamo katirsan kuwa maamulka Kismaayo ay ku toogteen mid kamid ah ganacsatada dharka ku iibisa suuqaasi, kaasoo dhar ku iibinayay goob uu maamulka Kismaayo mamnuucay in lagu ganacsado.

Dhinaca kale ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa xalay madaafiic isku weeydaarsaday duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

Lama garanayo khasaaraha ka dhashay duqeyntii xalay oo kala gaaray labada dhinac, mana jiraan masuliyiin katirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya