4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Kulankii looga hadlayay Qorshe Howleedka Hay'adda CCD Sannadka 2013 oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Xarunta hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay kulan wadatashi ahaa oo looga hadlayay qorshe-howleedka hay'adda ee sannadka 2013, kaasoo laga soo saaray qodobbo la xiriira yoolka hay'adda ay hiigsaneyso sannadkan.

Kulankan oo ay ka qayb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta sare ee haya’dda ayaa labadii maalmood ee uu soconayay la isku dhaafsaday fikrado iyo talooyin la xiriira horumarinta bulshada, isla markaana si ficil loogu bedelo waxyaabaha la hiigsanayo.

Guddoomiyaha CCD, Ciise Axmed Cumar oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay talooyinkii ay soo jeediyeen xubnihii ka qayb-qaadanayay kulanka tallooyinkii, isagoo ku baaqay in si ficil ah loo bedelo arrimihii ay soo bandhigeen.

Intaas kadib ayaa ka qayb-galayaasha oo isugu jira culummo, xubno ka socday bulshada rayidka, dhallinyaro, dhaqanka iyo haweenka waxay guda-galeen ka doodista sida ay koox walba ku gaari karto sannadkan cusub 2013 hadafka ay hiigsaneyso oo isugu jira mid dhow iyo mid fog.

Xubnahan ayaa waxay soo jeediyeen in la joogteeyo shirarka ceynkan oo kale ah, isla markaana wacyi-gelinta la gaarsiiyo gobollada, iyagoo intaa ku daray inay ka go'an tahay u caqli-celinta dhallinyarada la qalday, si ay bulshada ugu darmaan.

Dhinaca kale, xubnahan ayaa waxay soo gudbiyeen si loo gaaro nabad buuxda inay lagama maarmaan tahay in ardayda iskuullada manaahijtooda loogu daro casharo ka hadlaya, nabada, wadan jaceylka iyo dhawrida xuquuqda qof walba uu leeyahay.

Sidoo kale, waxaa ay soo jeediyeen in dhallinyarada loo abuuro xirfado shaqo, tababar iyo wacyi-gelin la siiyo, isla markaana barnaamijyo is dhex-galka bulshada sida tartamo isboorti loo sameeyo.

Ugu dambeyn, go'aannada kasoo baxay xubnihii lixda qaybood ayaa waxaa aqriyay xubnaha hormuudka u ahaa kooxaha, iyadoo go'aannadan la sheegay inay noqon doonaan waxyaabaha ay hay'adda ku howl-geli doonto bilaha soo socda.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya