4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelaneyso Wasaaradda Duulista iyo Garoomada.

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. C/samed Cali Shire ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto wasaaradda duulista hawada iyo garoomada ee Puntland.

Xaruntan oo laga dhisayo magaalo-madaxda Puntland ee Garoowe, waxaa ku baxaya adduun lacageed oo badan, waxayna Injineerada dhismeheeda u xilsaarani sheegeen in ay noqon doonto mid kamid ah dhismeyaasha ugu waaweyn uguna qorxoon kuwa ay wasaaraduhu degen yihiin.

Wasiirka duulista hawada iyo garoomada ee Puntland Xuseen Xasan Cabdi oo goobta dhismaha wasaaradda laga bilaabayo war-fidiyeenada kula hadlay, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wasaaraddu ay dhisme u gaar ah yeelato, islamarkaana garoonka Garoowe uu noqdo mid casri ah; maadaama uu magaalo madaxda ku yaal.

"Dhagax dhigakan maanta anaga wasaarad ahaan muhiimad weyn bay no leedahay sababtoo ah Garoowe waa xarun, marka anagu inaan xoogga saarno aad iyo aad bay muhiim nogu tahay" wasiirka ayaa yiri.

Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. C/samed Cali Shire oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in dowladihii hore ee dalka Soomaalay aysan deegaanada Puntland uga tegein wax hanti ah oo ma guuraan ah.

"Waxaa xusid mudan in umadda Puntland aysan nasiib u yeelan inay hanti ma guurto ah ka dhaxaso dowladihii hore, waxaa nasiib daro ahayd in asaaskii Puntland ay wasaaradaha intooda badani ku jireen guryo kiro ah, laakiin dowladda hadda arintaas si weyn ayey wax uga qabatay"

Dhowaan ayey ahayd markii garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe lagu soo kordhiyey qalab casri ah oo u badan kuwa loo adeegsado baaritaanka alaabta iyo dadka iyadoo dhinaca kale la bilaabay dhismaha Terminal weyn oo garoonka Garoowe uu yeelan doono.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya