4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Washington kula kulmay Xubno ka tirsan Congress-ka dalka Mareykanka (Sawiro)

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa la kulmay 20 xubnood oo ka tirsan Congress-ka dalka Mareykanka oo uu ku jiray mudane keliya ee muslimka ah ee laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Keith Ellison.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga warbixiyay mudanayasahan xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumarka dhinaca nabadda ah ee lagu tallaabsaday, isagoo muujiyay sida uu u doonayo in mudanayaashan uu ku casuumo dalka Soomaaliya.

Xubnahan Congress-ka ka tirsan ayaa waxay madaxweynaha Soomaaliya weydiiyeen su’aalo ay ka mid yihiin xiriirka kala dhexeeya dalalka dariska la ah Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku jawaabay in dalalka dariska ah sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti uu kala dhexeeyo xiriir wanaagsan.

Soomaalida nool magaalada Washington iyo hareeraheeda ayaa wafdiga madaxweynaha kusoo booqanaya hoteelka ay deggen yihiin, iyadoo xubno ka mid ah jaaliyadda oo ay HOL la kulantay ay sheegeen in madaxweynuhu uu yahay mas’uul deggen oo rajo wanaagsan geilyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ah ee berri uu la kulmo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Hillery Clinton, iyadoo warar hoose oo aan la xaqiijin ay sheegayaan in laga yaabo inuu la kulmo isla berri madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama.

Sidoo kale, madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin, wasiirka warfaafinta iyo wasiirka arrimaha dibadda aya maalinta Jimcaha ah ee soo socta tegi doona magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota halkaas oo ay kula kulmi doonaan Soomaali fara badan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay booqdo ku tagaan dalka Sucuudi Carabiya marka ay soo dhameystaan booqashada uu ku joogo dalka Mareykanka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya