4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Faahfaahin ku saabsan Howgallo lagu qabqabtay in ka badan 15,000 oo qof oo Ciidamada Dowladdu ay ka sameeyeen Degmada Wadajir

Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howgallo lagu qabqbatay dad gaaraya 1,714 qof ka sameeyay maanta xaafado ka tirsan demada wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo saraakiishii hoggaaminayay ay sheegeen in inta badan dadkaas ay dib xorriyadooda u siiyeen.

Taliyaha hay’adda nabadsugidda gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in howgalkan uu qayb ka yahay howgallo lagu xoojinayo ammaanka magaalada Muqdisho, ayna socon doonaan inta magaalada oo dhan ay ka noqonayso nabad.

“Howlgalka maanta waxaa laga fuliyay xaafadaha Buulo-xuubeey, Nasteexo, Xaawo-Taako iyo suuqa weyn ee Muqdisho, waxaana lagu soo qabqabtay 1,714 qof, waxaana la fasaxay 1600 oo dadkaas mid ka mid ah kaddib markii lagu waayay dabiyo, waxaase la hayaa 114 qof oo lagu tuhmayo inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin,” ayuu yiri Ereg.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in howlgalladan oo kale ka sameyn doonaan maalmaha soo socda degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka la tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin kooxahaas.

Baaritaankan ayaa billowday xalay gellinkii dambe, iyadoo baaritaannada noocan oo kale ah ay ku cusub yihiin magaalada Muqdisho, wuxuuna kusoo beegmayaa baaritaankan iyadoo shalay ay baaritaanno noocan oo kale ah ka sameeyeen ciidamada dowladda degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadahaas ayaa waxay sheegen in ciidamadu ay baaritaanno ku sameynayeemn guryaha, ayna dadka intooda badan kasoo saareen guryihii ay ku sugnaayeen xilli ay qaarkood hurdayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya