3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Machadka Khadiija Bintu-Khuweylad ee Degmada Laas-caanood oo soo gaba-gabeeyay Imtixaankii Teeramka

Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Machadka islaamiga ah ee Khadiiga Bintu-Khuwaylid ee ku yaalla magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool ayaa shalay u soo gabagabeeyay ardayda dhigata imtixaanaadkii la qaadi jiaray bartamaha sannadka iyadoo ay u fadhiisteen arday tiradoodu dhan tahay 1,335 arday.

Maamulaha macdaka, Xuseen Macallin Aadan oo warbixin kooban ka bixiyay machadka Khadiija Bintu-Khuwaylid ayaa sheegay in tirada ardayda wax ka barata ay garayaan 1357 arday oo 350 ka mid ah ay rag yihiin inta kalana dumar yihiin, hase ahaatee 22 ka mid ah aysan u suuro-gelin inay ka qayb-galaan imtixaanka duruufo gaar ahaaneed awgeed, isagoo intaas ku daray in ardayda dhigata gellinka hore iyo kan dambe ay yihiin dumarka maadama uu machadkani xoogga saaro waxbarashada gabdhaha.

Maamulaha ayaa carabbaabay in machadkan ay ka farcameen 12 dugsi oo oo lagu barto Qur’aanka iyo higaadda lagana akhriyo kutubta yar-yar iyadoo aan ardayda dhigta wax lacag ah laga qaadin, waxayna madaaristan ku kala yaallaan magaalada Laas-caanood.

Machadkan ayaa duruusta lagu dhigto ay isugu jiraan maadi iyo diini; iyadoo maaddada Soomaaliga iyo xisaabtana ay ka mid yihiin maadooyinka lagu qaato,  waxaana lagu qiimeeyay dugsi hoose iyo dhexe; iyadoo ardayda ka aflaxda ay u gudbaan machadka Al-furqaan oo isaguna gobolka ku yaalla.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool













Click here
1/15/2013 4:52 PM EST
Talaado, Janaayo 15, 2012 (HOL)- Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan aagga deegaanka Gal-Gala ayaa sheegay in ay maanta qabsadeen goob fariisin u ahayd xoogagga Al-shabaab ee uu fadhigoodu yahay buuraleyda Golis.

1/15/2013 12:50 PM EST
Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Ururada bulshada gobolka Shabeellada Hoose oo in muddo ah aan gobolkaas ka shaqeynayn ayaa maalmahan waxay dar-dar-galiyeen howlihii ay bulshada u hayeen waxayna soo xero-geliyeen dhallinyaro ama dagaalyahanno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasoo gaaraya 15 qof, iyadoo wajiyadooda ay ka muuqdeen duruuf aad u xoogan.

1/15/2013 12:22 PM EST
Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Waddada halbowlaha u ah magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo isku xiri doonta jaamacadda Camuud iyo garoonka diyaaradaha Boorama ayaa maanta si rasmi ah loo billaabay iyadoo mashruucan uu ka mid yahay mashaarciidii uu ka tagay maayarkii hore ee degmada Boorame.

1/15/2013 12:21 PM EST
Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) —Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa maanta guda-galay xallinta khilaafyo daba-dheeraaday ka dhashay doorashadii golaha deegaanka ee degmada Saylac.

1/15/2013 9:22 AM EST
Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howgallo lagu qabqbatay dad gaaraya 1,714 qof ka sameeyay maanta xaafado ka tirsan demada wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo saraakiishii hoggaaminayay ay sheegeen in inta badan dadkaas ay dib xorriyadooda u siiyeen.

1/15/2013 8:42 AM EST
Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) —Ololaha tallaalka cudurka dabeysha ayaa maanta ka bilowday xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, iyadoona tallaalkani la siinayo caruurta ay da’dooda ka yartahay shan sano.

1/15/2013 8:18 AM EST
Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Machadka Heritage ayaa maanta xarun cusub oo cilmi-baariseed iyo feker-curin ah ka furatay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda furitaanka ay kasoo qaybgaleen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wasiirro, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo dadweyne kale oo lagu casuumay.

1/15/2013 7:48 AM EST
Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar ay kusoo qaadeen ciidamada Faransiiska isagoo sheegay inay ka adkaadeen, isagoo sheegay inay horay u sheegeen in gaaladu ay isku soo bahaysteen inay la dagaalamaan xaqa.

1/15/2013 7:45 AM EST
Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo looga hadlayay qorshe-howleedka haya’dda wadahadalka bulshada ee CCD ee sannadkan 2013 iyo waxqabadka sanadkii hore ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, gaar ahaan xarunta hay’adda.

1/15/2013 7:44 AM EST
Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Nationlink ayaa waxay ka raalli-gelinaysaa macaamiisheeda sharafta, gaar ahaan cilladii farsamo ee ku timid GSM-ka shirkadda qaybta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

1/15/2013 7:16 AM EST
Talaado, Jannaayo, 15, 2013 (HOL) -- Iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada caalamiga ah ee loo jeedinayo dowladda Soomaaliya ee looga dalbanayo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sii deeyso wariye C/casiis Cabdinuur Ibraahim Koronto iyo dad rayid ah oo la xiran, ayeey ururka isku-xirka suxufiyiinta Hiiraan oo loo soo gaabiyo HIJONET waxa ay cambaareyn dusha uga tuurayaan xariga wariyaha, iyaga oo dhinacooda dalbanaya in dib xuriyadiisa loo siiyo.

1/15/2013 4:03 AM EST
Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) —Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xukunno ku riday dad ku eedeysnaa danbiyo kala duwan oo isugu jira dhac iyo kufsi.

1/15/2013 3:02 AM EST
Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) —Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ballaaran ka bilaabay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoona howlgalladaasi ay ciiidamadu ku qabqabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaasoo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

1/15/2013 2:28 AM EST
Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) —Iska-horimaad ayaa xalay duleedka magaalada Kismaayo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya iyo xoogag katirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.