4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Olalaha Tallaalka Cudurka Dabeysha oo ka bilowday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) —Ololaha tallaalka cudurka dabeysha ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday shanta xaafadood ee magaalada Kismaayo, iyadoona tallaalkani la siinayo caruurta ay da’dooda ka yartahay shan sano.

Barnaamijkani ayaa waxa fulineyso hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO, waxayna sheegtay in ay ugu talo gashay inay ka faa’iideystaan ilaa 18-kun oo caruur ah, kuwaasoo ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Xafiiska xiriirka arimaha bini-aadanimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray ku sheegay in  ku dhawaad 135,000 oo caruur ah oo ku dhaqan degmada Kismaayo in ay Qatar ugu jiraan cudurka dabeysha.

Madaxa ciribtirka cudurka Dabaysha ee ururka WHO u qaabilsan gobolka Jubada hoose Dubad Cali Max’ed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ololahan ciribtirka dabeysha ee ka bilowday magaalada Kismaayo in ay ugu talogaleen si ay u yareeyaan cudurka dabeysha oo uuu sheegay in sanadihii ugu danbeeyay uu fara ba’an ku hayay caruurta ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Saraakiisha caafimaadka ee hay’adda WHO ayaa sheegay in khatarta ay caruurta reer Kismaayo ugu jiraan cudurka dabeeysha ay  ka danbeeysay kadib markii xoogagga Al-shabaab ee hore uga arimin jiray degmadaasi ay mamnuuceen tallaalka caruurta, waxayna hay’addu sheegtay in caruurtii dhalatay intii lagu gudo jiray sanadahaasi in aysan helin wax tallaal ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya