4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay Iskahorimaad deegaanka Buulo-Mareer ku dhexmaray Xoogaggooda iyo Ciidamada Faransiiska

Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar ay kusoo qaadeen ciidamada Faransiiska isagoo sheegay inay ka adkaadeen, isagoo sheegay inay horay u sheegeen in gaaladu ay isku soo bahaysteen inay la dagaalamaan xaqa.

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo Isniintii shalay shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Buulo-mareer oo habeenkii Sabtida uu ka dhacay weerar ay ciidamada Faransiisku qaadeen ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan ay ka hortageen dagaalyahannada Al-shabaab.

“Faransiiska iyo xulufadiisu waxay soo qaadeen weerar gaadmo ah, balse mujaahidiinta ayaa ka hortagay oo jilbaha u dhigay, taasoo keentay inay ku fashilmaan hadafkooda,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Afhayeenka Al-shabaab wuxuu ammaan u jeediyay xogaggii Al-shabaab ee la dagaalamay ciidamada Faransiiska, isagoo sheegay inay muujiyeen geesi-nimo ayna soo celiyeen sharaftii muslimiinta.

"Markii aad Faransiiska la dagaalanteen waxaad soo celiseen Sharaftii dadka Musliminta ah; gaaladu waxay kala garan waayeen burcad-badeedda iyo Al-Shabaab, dhowr jeer ayay burcad-badeedda ku qaadeen dullaano ay guulo ka gaareen, balse mujaahidiinta way ka adkaan waayeen," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sheekh Cali Dheere kama uusan hadlin khasaarihii kasoo gaaray dhankooda dagaalkaas iyo khasaaraha ay geysteen, sidoo kale kama uusan hadlin Denis Allex oo ahaa sarkaalkii Faransiiska ahaa ee dartiis uu weerarku u dhacay oo lagu muransan inuu nool yahay iyo inuu dhintay.

Ugu dambeyn, afhayeenka Al-shabaab wuxuu ka hadlay dagaalka ka socda dalka Maali ee u dhexeeya ciidamada Faransiiska iyo xoogagga Islaamiyiinta  ah ee gacanta ku haya waqooyiga dalkaas, isagoo sheegay inay colaadda uu wado Faransiiska ka hortagaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya