4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Kulan looga hadlayay Qorshe-howleedka Hay’adda CCD ee Sannadka 2013 oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho


Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo looga hadlayay qorshe-howleedka haya’dda wadahadalka bulshada ee CCD ee sannadkan 2013 iyo waxqabadka sanadkii hore ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, gaar ahaan xarunta hay’adda.

Kulankan oo ay ka qayb-galeen madaxda hay'adda CCD, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, ururrada bulshada rayidka, howl-wadeenada hay'adda iyo bahda warbaahinta ayaa la isku dhaafsaday fikrado iyo macluumaad la xiriira horumarinta bulshada.

Guddoomiyaha hay'adda CCD, Ciise Axmed Cumar oo ka hadlay waxqabadkii sannadkii hore ayaa bogaadiyay qaybaha kala duwan ee bulshada sida ay isaga xil-saareen horumarinta iyo wacyi-gelinta bulshada, isagoo sidoo kale sheegay in sannadkan cusub ay howlahooda gaarsiin doonaan meelaha laga saaray Al-shabaaba.

"Sidaad la socotaan dalka is-bedel ayaa ka dhacay, sannadkan cusub waxaa ka hadlaynaa waxyaabaha la qaban doono, hay'adda waxay u baahan tahay inay xoojiso sidii loo wacyi-gelin lahaa bulshada, loona hormarin lahaa, sidaa darted waa inaan qaadnaa dagaal masxkaxeed dhabbaha u xaaraya horumar waddanka la gaarsiiyo," ayuu yiri Ciise Axmed.

Sidoo kale, guddoomiyaha CCD wuxuu intaas ku daray in sannadihii hore ay dadka ka cabsan jireen inay fikirkooda soo gudbiyeen, balse maanta ay ku dhiirran karaan inay fikirkooda soo bandhigaan, isla markaana ay cabsida ka guurtay, isagoo xusay in shantii sano howshii ay qabteen mid ka badan ay u taallo sannadkan.

"Shantii sanno waxaan qabanay waxaa ka badan doona howsha aan qaban doonno sannadkan, maxaa yeelay hadda waxaa tagi karnaa gobollada dalka, dagaalka milateriga dowladda waa ku guuleysatay, annaga waa inaan dagaalka maskaxda ku guuleysanaa, carruurta la marin habaabiyay, kuwa qalday inaan wacyi-gelino, wax u sheegno ayaa nalaga doonayaa," ayuu yiri guddoomiye Ciise.

Intii uu socday kulankan ayaa xubnihii ka socday qaybaha bulshada waxay diiradda ku saareen waxyaabaha ugu muhiimsan ee sannadkan la qaban karo, gaar ahaan adeegyada guud ee bulshada sidii loosoo nooleyn lahaa, loona xoojin lahaa, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka, wacyi-gelinta caruurta, tababaridda macallimiinta, dugsi Qur’aanka iyo sidii madaaristii ka socotay masaajidda loo xoojin lahaa

Xildhibaanad, Caasho Maxamuud Cumar (Caasha Koos) ayaa ku amaantay howlaha ay bulshada u heyso hay'adda CCD, iyadoo ugu baaqday inay sii laba-laabto, isla markaana ay wacyi-gelin u sameyso bulshada, sidii dhallinyarada loo dhaqan-celin lahaa, isla markaana loogu abuuri lahaa xirfado shaqo.

Kulankan looga hadlayay qorshe howleedka sannadka iyo hadafka hay'adda CCD ay hiigsanayso ee lagu soo bandhigay ayaa maalinta berri lasoo gaba-gabeyn doonaa, iyadoo laga soo saari doono war-murtiyeed ku saabsan sidii loo xoojin lahaa nabadda, dib-u-heshiisiinta, is-dhex-galka bulshada, wada-shaqeynta hay'adaha dowladda iyo ururrada bulshada, wacyi-gelinta iyo horumarinta bulshada ee gobollada dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya