4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Iska-horimaad mudo socday oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) —Iska-horimaad ayaa xalay duleedka magaalada Kismaayo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya iyo xoogag katirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Iska-horimaadkan ayaa yimid kadib markii cutubyo katirsan dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar madaafiic ah kusoo qaadeen xarunta Jaamacadda Kismaayo  oo saldhig u ah ciidamada huwanta ah, waxaana labada dhinac dhexmartay israsaaseyn xooggan.

Ilaa imika lama garanayo khasaaraha ka dhashay iska-horimaadkaasi, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhiancyadii ay dirirtu u dhexeysay oo faahfaahin ka bixiyay.

Goobjoogeyaal ku sugan xaafadda Siinaay oo cirifka waqooyi kaga taal magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiic culus oo ay labada dhinac isweeydaarsanayeen, haseyeeshee waxaan ilaa imika la ogayn khasaaraha kala gaaray dhinacyadaasi.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa iyagu aalaaba weerarro gaadmo ah la beegsada saldhigyada ay ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ay ku leeyihin gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya