4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Xarakada Al-shabaab oo soo Bandhigtay Sawirrada Askari Faransiis ah oo ku dhintay Weerarkii ka dhacay Buulo-Mareer


Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) —Al-shabaab ayaa soo bandhigtay maanta oo Isniin ah askari Faransiis ah oo ay ku dileen weerarkii fashilmay ee ka dhacay habeenkii Sabtidu soo galaysay deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sawirradan ayaa waxaa ka muuqda hub la sheegay inuu askariga la dilay watay, iyadoo aan lasoo bandhigin maydka askariga kale ee lagu dilay isla howlgalkaas oo Faransiisku sheegay inuu ku fashilmay.

Al-shabaab ma aysan sheegin magaca askariga Faransiiska ah ee ay soo bandhigeen, iyagoo maanta sheegay inay soo bandhigayaa maydadka laba askari oo dagaalkaas ku dhintay.

Dhanka kale, Al-shabaab waxay ku adkeysanayaan inuu nool yahay Denis Allex oo ahaa sarkaalkii la doonayay in howgalkaas lagu badbaadiyo oo tan iyo sannadkii 2009 ay afduub ahaanta u haysteen, inkastoo aysan soo bandhigin caddeymo muujinaya inuu nool yahay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya