4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Howlgallo lagu Qab-qabtay Dad Badan oo Ciidamada Dowladdu ay Maanta ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Muqdisho

Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa in ka badan 400-qof ku qabqabtay howlgallo saf-ballaaran ay maanta ka sameeyeen degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo qaar ka mid ah dadkaas lasii daayay.

Taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg oo saxaafadda  uga warbixiyay howlgallada ayaa sheegay in howlgalladan ay ahaayeen kuwo lagu sugayay ammaanka magaalada Muqdisho.

“Howlgalladu waxay billowdeen xalay gellinkii dambe, waxaana kusoo qab-qabanay in ka badan 477 qof, waxaan shaki weyn ka qabnaa 137 qof intii kalena waan sii daynay,” ayuu yiri Ereg oo saxaafadda la hadlay.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in howgalkan uu socon doonto inta laga sugayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, isagoo xusay in labadan degmo ee ay howlgallada ka sameeyeen ay yihiin kuwo ay ku tuhmayeen inay ku sugan yihiin xubno Al-shabaab ka tirsan.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin oo la hadlay dadkii lasii daayay ayaa u sheegay in looga baahan yahay inay ciidamada dowladda la shaqeeyaan si ammaanka deegaannadooda ay u noqdaan kuwo la isku halleyn karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer howlgallo lagu soo qabqabtay labada degmo ee maanta howlgallada laga sameeyay, iyadoo dadkan ay noqonayaan kuwii ugu badnaa ee lagu soo qabqbato howgallo laga sameeyay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya