4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Booliska Puntland ee Magaalada Gaalkacyo oo hor-istaagey Muddaaharaad ka dhan Xukuumadda iyo Rasaas daqiiqado socotay

Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska Puntland ee gobolka Mudug ayaa maanta kala eryay dad-weyne isugu soo baxay bartamaha magaalada Gaalkacayo, islamarkaana qorsheynayey in ay dhigaan muddaaharaad looga soo horjeedo xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Booliska ayaa dibad baxayaasha rasaas kor ugu ridey si ay ukala eryaan, waxayna sidoo kale ka qaadeen qalab isugu jirey: Cod-baahiyeyaal iyo boorar ay ku qoran yihiin ereyo muujinaya ujeedada ay isugu soo baxeen.

Intaas kaddib ayaa waxaa saldhigga Booliska ee Gaalkacayo soo weeraray dabley hubeysan, kuwaasoo la sheegay in ay ka caraysan yihiin fara gelinta ay ciidamada ammaanku muddaaharaadkaas ku sameeyeen.

Inkasta oo ay rasaas qaddar daqiiqado ah socotey dhacday, hadana ma jiro wax khasaare ah oo soo gaarey labada dhinac, waxayna xiligan xaaladda magaaladu tahay mid degen.

Taliyaha qaybta Booliska Puntland ee gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed, oo goor dhowr warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dheceen, wuxuuna sheegay in koox - uu qas-wadayaal ku tilmaamay- ay isku dayeen in ay saldhigga soo weeraraan; kaddib markii ay Boolisku fashiliyeen dibad-bax la doonayey in maanta magaalada Gaalkacayo laga dhigo.

"Dibad-bax yar  baa dhacay, wax shil ahise ma dhicin, niman dhalinyaro ah baa isteeshinka yimid, iyagiina dib ayaa looga celiyey" Taliyaha ayaa sidaas war-fidiyeenada u sheegay.

Wuxuuna digniin culus u diray dad uu tilmaamay in ay fowdada horseed ka yihiin, isagoo xusay in ciidamada ammaanku aysan marna ogolaan doonin in wax muddaaharaad ahi uu magaalada ka dhaco. "muuddaaharaad in la dhigo iyo in magaalada fowdo laga sameeyo anagu raali kama nihin, gobolkuna fowdo uma baahna iyo Puntland oo dhan".

Waa markii labaad, muddo todobaadyo gudahood ah ee ay ciidamada Booliska Puntland ee gobolka Mudug kala eryaan dad-weyne isugu soo baxay; si ay u dhigaan dibad-bax ka dhan ah  xukuumadda xiligan Puntland ka arimisa ee uu hormuudka u yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya