4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo ku aadan sanadka cusub u diray Shacabka Soomaaliyeed

Talaado, Jannaayo 01, 2013 (HOL) — Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliya sanadka cusub ee 2013, isagoona u rajeeyay umadda Soomaaliyeed in sanadkan kiisa kale ay ku gaarto bash-bash iyo barwaaqo.

Ra’isul wasaaraha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2012 ay dalka Soomaaliya ka dhaceen isbadallo aad u waaweyn oo ay kamid yihiin ka gudbiddii xilligii KMG ahaa, ansixintii golaha wasiirada, iyo weliba horumar la taaban karo oo uu sheegay in dalka Soomaaliya uu ku talaabsaday.

Masuulkani ayaa sheegay in xukuumadiisa ay waxqabad dhab ah ka sameyn doonto gobollada dalka, islamarkaasina ay gaarsiin doonto maamul wanaag, isagoona sheegay in ay maamul u dhisi doonaan gobollada dalka, islamarkaana golihiisa wasiirada ay la iman doonaan waxqabad dhab ah.

Mudane Shirdoon ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan islamarkaasina la shaqeeyaan xukuumadiisa, isagoona sheegay in xukuumadda ay imika shaqeyneyso wax ka yar 50 cisho, wuxuuna xusay in wax qabad la taaban karo ay la timid, taasoo ay ugu horeeyso buu yiri ku dhowaad ilaa 60 isbaaro oo gaadiidka lagu canshuuri jiray oo laga qaaday magaalada Muqdisho.

“Waxaan qabannay wixii nalaka filayay, wax ka badanna waxaan rajeyneynaa in aan qabanno,” ayuu hadalksii raaciyay isagoona intaa ku daray in xukuumadiisa ay ka go’antahay nabad kusoo dabaalidda dalka Soomaaliya.

‘’Waxaan qorsheyneynaa hadda oo meel dhex dhexaad ah noo mareysa wafdigii tegi lahaa gobolada dhexe waadna la socotaan sida shalay iyo maanta ay Ahlusuna oo ka talisa gobolada dhexe usoo dhaweeysay xukuumada.”

Hadalka ra’isul wasaaraha dalka ayaa kusoo beegmaya xilli uu xalay ku ekaa sanadkii 2012, oo isbadallo waaweyn ay ka dhaceen dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay kamid yihiin ansixintii dastuurka dalka, ka gudbiddii xilligii KMG ahaa, doorashadii madaxweeynaha, dhismihii xukuumadda iyo weliba ansixintii baarlamanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Dad badan ayaa aaminsan in dalka Soomaaliya ay imika ka hanaqaadeyso nabad iyo dowladnimo kadib 20 sano oo burbur iyo dagaallo sokeeye lagu soo jiray.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya