4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2013
Qaramada Midoobay oo shaacisay in Kumannaan Qoxooti Soomaaliyeed ah ay dib ugu Laabteen Soomaaliyeed


Sabti, Feberaayo 09, 2013 (HOL) — Hay’adda isku-duba-ridka gargaarka bani’aadamnimo ee OCHA ayaa sheegtay in 6,300 oo qoxooti Soomaaliyeed ah oo ku noolaa dalka Kenya ay bishii hore ee Jannaayo si iskood ah ugu laabteen gudaha Soomaaliya.

Warbixintan oo ay OCHA ku shaacisay bogga ay ku leedahay Internet-ka ayay ku shaacisay in qoxootigan ay ku noolaayeen xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo qoxootiga ku nool ay bishii December ee 2012 ay billaabeen inay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

“Bishii Jannaayo ee sannadkan oo keliya waxaan diiwaan-gelinay in 6,300 oo qoxooti Soomaaliyeed ay dib ugu laabteen dalkooda Soomaaliya, kuwaasoo ka tagay Kenya. Waxayna tiradani ka kacday 1,200 oo qoxooti ah, kuwaas oo bil walba dib ugu laaban jiray Soomaaliya saddexdii bilood ee laga soo gudbay,” ayay OCHA ku sheegtay warbixinta ay maanta soo saartay.

OCHA waxay sheegtay in qoxootigan dib u laabanaya ay kusoo beegmayso xilli ay hay’adaha gargaarku howlahooda caadiga ah ka billaabeen Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan goobihii laga saaray Xarakada Al-shabaab.

Qabsashadii magaalada Jowhar ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen bishii December 2012, waxay kordhisay amaanka ay heleen dadka ku nool gobolada Shabeellada Hoose, Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.

Hay’addu waxay warbixinteeda ku sheegtay in ganacsiga dalka iyo socodku uu kordhay, iyadoo xustay inay jiraan diyaarado isaga goosha Muqdisho iyo Baladweyn, waxaa sidoo kale duulimaad ay diyaarado ku tagayaan Kismaayo oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya.

Warbixinta hay’adda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in qoxooti aad u yar ay galeen gudaha Kenya sannadkan cusub.

“Labadii toddobaad ee ugu horreeyay bishii Jannaayo ee sannadkan waxay muujinayaan in boqolaal qoxooti Soomaaliyeed ah inay ka gudbeen xadka ay wadagaaan Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasoo ka imaanayay magaalooyinka waaweyn sida Nairobi iyo xeryaha Dhadhaab ee Kenya,” ayaa warbixinta OCHA lagu sheegay.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jira deggenaasho tan iyo markii laga baxay xilligii KMG ahaa lana dootay baarlamaan cusub iyo madaxweyne. Iyadoo xaaladda Muqdisho oo sannadihii lasoo dhaafay ahayd mid ay dagaallo ka socdeen ayaa u muuqata in ammaan xooggan uu ka jiro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya