4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2013
Deeq lacageed oo la Guddoonsiiyay Dadkii ku Dhaawacmay Bannaan-baxyadii ka dhacay Boorame iyo Saylac (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 09, 2013 (HOL) — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kaso jeeda gobollada Awdal, Selel iyo Gabiley ee Somaliland ayaa deeq lacaga soo gaadhsiiyay dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay bannaanbaxyadii ka dhacay magaalooyinka Boorama iyo Saylac.

Deeqdan oo dhameyd 3,000 oo doollarka Mareykanka ah ayaa waxaa dadkii loogu talogalay gaarsiiyay, Xaaji C/qadir Aadan Nuur iyo Axmed Ibraahim Caateeye oo ah mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Kuwati.

Qaybinta deeqdan ayaa goobjoog ka ahaa salaaddiinta gobolladan oo ay ka mid ahaayeen: Suldaan Abshir iyo Suldaan Maxamed Cabdi, kuwaasoo sidii loogu talo-galay ugu qaybiyay qoysaskii laba qof oo dhintay magaalooyinka Boorama iyo Lughaya iyo dhaawaca soo gaaray lix qof oo kale, kuwaasoo ku kala jiray isbitaallada magaalada Boorama.

Kaddib qaybinta lacagtan deeqda ah dadkii loogu talo-galay ayaa halkaas waxaa hadallo mahadnaq u badnaa ka oo jeediyay qoysaskii iyo waaliddiintii ay dadkoodu ku waxyeeloobeen dhacdooyinkaas kuwaasoo sheegay inay aad ugu mahad-celinayaan walaalahooda soo xasuustay kana filayaan kuwa kale inay sida jaaliyadda ku nool dalka Kuwait oo kale ay u soo gargaari doonaan.

Dhanka kale, waxaa iyagana halkaas baaq iyo mahadcelin kasoo jeediyay Xaaji C/qaadir Aadan Nuur, Suldaan Abshir iyo Suldaan Maamed Cabdi oo sheegay in jaaliyadda reer Kuwait ay noqdeen kuwii ugu horreeyay ee deeq lacageed u soo dirta walaalahooda dhibaabtadu ku dhacday, waxaa kaloo ay baaq u direen jaaliyadaha kale ee dunida dacalladeeda ku nool inay sidaas oo kale u soo diraan walaalahooda dhibaateysan deeqo kuwaas la mid ah.

Si kastaba ha ahaatee Soomaalida ku nool Kuwati ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay taakuleyn noocaas oo kale u soo dirtay dadkii waxyeelladu kasoo gaaree bannaanbaxyadii ka dhacay gobollada galbeedka Somaliland ku yaalla.




Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorama, Somaliland