4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2013
Hay’adda HARO oo deeq ay soo dhiibeen Muslimiinta Waqooyiga Ameerika ku nool ka qaybisay Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 09, 2013 (HOL) — Hay'adda samafalka ee Humanitarian African Relief Organization (HARO) ayaa gargaar ay soo dhiibeen muslimiinta ku nool Waqooyiga Mareykanka u qabisay dad aragga la’ oo ku jira kaamka ku yaalla degamada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale dadka indhaha naafada ka ah ee gargaarka loo qaybiyay ayaa waxaa ku jiray arday indhoolayaal ah oo dhigta dugsiga Indhoolayaasha ee Al-nuur ee magaalada Muqdisho.

Hay’adda ayaa sidoo kale deeq u badan joodariyaal ayaa waxay gaarsiiyeen dad ku jira isbitaalka lagu xannaaneeyo dadka dhimirka la’ ee Ahlu-khayr, waxaana dadka la gaarsiiyay deeqdan ay ku kala sugnaayeen degmooyinka Wadajir, Xamar-jabjab iyo Hodon.

Dadkaas dhibaatooyinka kala duwan qaba ayaa ka koobnaa 200 oo qoys , raashinka la siiyayna ayaa wuxuu isugu jiray, bariis, bur, sokor, saliid iyo joodariyaal. Iyadoo intii ay qaybintaas socotaey dusha ka eegayay xubno ka tirsan xafiiska HARO ee Muqdisho, kuwaasoo u kuur-galayay sida qaybintu ay u socotay iyo in la gaarsiiyay dadkii u baahnaa gargaarkaas.

Deeqdan ballaaran ayaa waxaa soo dhiibay walaalaha muslimiinta ah ee ku nool Waqooyiga Ameerika, kuwaasoo kusoo hagaajiyey hay’adda HARO si ay u gaarsiiyaan dadka u baahan deeqdaas .

Markii deeqdan la qaybiyay ayaa waxaa saxaafadda la hadlay la hadlay, Sheekh Bashiir Maxamed oo ka mid ahaa indhoolayaashii deeqdan la siiyay iyo Cabdiraxamaan Ahlu-khayr oo ka socdey isbitaalka dhimirka ee Ahlu-khayr, iyagoo u mahadceliyay walaalaha muslimiinta ee deeqdan soo dhiibay iyo hay’addii soo gaarsiisay ee HARO , iyagoo ALLE uga baryay inuu ugu mid ka kheyr badan ugu bedelo.

Hay’adda HARO waa hay’ad samafal oo ka howlgasha guud ahaan Somalia, waana hay’ad caawinta dadka dhibaateysan, waxayna deeqo gargaar oo fara badan ka qaybisay dhammaan gobolada Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiinta hay’adda ay sheegeen inay halkaas kasii wadi doonaan caawinta ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya