4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2013
Askari ka tirsan Booliiska Somaliland oo ku Dhaawacmay Rasaas ay ku fureen Ciidamada Itoobiya xilli habeen ah

Sabti, Feberaayo 09, 2013 (HOL) — laba askari oo ka mid ah booliska Somaliland ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen ciidanka Milatariga Itoobiya gaadhi anbad ah oo u talaabay dhinaca Itoobiya ee koonfurta magaalo xuduudka Wajaale.

Labadan askari ooka tirsana ciidamadda kastamka Wajaale kuwaas ilaalinayey gaadiidka kontorobaanka sidda, ayaa u talaabay dhinaca xuduudda Itoobiya abaaro afartii subaxnimo ee saaka, waxaanay u galeen ciidanka milatariga Itoobiya ee xuduudda ilaaliya, waxaana rasaas ku fureen gaadhigii booliska Somaliland ka dibna waxay saddex askari oo gaadhiga saarnaa ugu jaaabeen rasaas kale, waxaanay askartii Somaliland oo dhaawac ahi ka baxsadeen ciidankii, haseyeeshee ciidanku waxa uu la wareegay gaadhigii booliska oo la sheegay in rasaas xoogan ku taallay.

Labaddan askari ee dhaawac ah ayaa magacyadoodda la kala yidhaa Xuseen Daahir oo ah Dirawalkii gaadhiga oo ay Xabddii fadhiisatay jillibka hoostiisa, halka askariga kale Cabdirashiid Maxamed Muxumed ay kaga dhacday bawdadda, waxaana saaka la keenay cisbitaalka magaaladda Gabiley oo lagu dawaynayo, inkastoo dhaawacoogu fudud yahay.

Taliyaha laanta socdaalka Wajaale Cabdirashiid Axmed Xasan iyo Taliyaha Sirdoonka Jaamac Cabdi Yuusuf oo goobta uu shilkani ka dhacay booqday ayaa sheegay in masaafo 150 Mitir ay gudaha u galeen xuduudda Itoobiya, isla markaana ay gaadhigii ay hayaan ciidanka Itoobiya, kana wada hadlayaan sidii loo sii-deyn lahaa gaadhigaasi.

Wariye ku sugan magaalada Wajaale oo aan khadka Telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegay in gaadhigan boolisku uu ahaa mid ka hawlgalla kastamka Wajaale oo ay saarnayeen saddex askari waxaanay si kadis ah u talaabay dhinaca itoobiya taas oo keentay inuu gallo saldhiga ciidan oo goobta degan, taasoo ay ku fureen rasaasta balse askarigii aan dhaawacu soo gaadhin uu badbaadiyey labaddii dhaawaca ahaa una soo gurguurteen dhinaca xadka Somaliland, halkaasi oo laga soo qaaday.

Si kastaba ha ahaatee, ciidanka Itoobiya iyo kuwa Somaliland ayaa ka wada shaqeeyaa amniga xuduudda udhexeeya, iyagoo qollo waliba dhinaceedda wixii usoo gudba gacanta ku dhigga, waxaana dhawaan gaadhi ciidanka Itoobiya ahi usoo gudbay dhinaca Somaliland, kuwaas oo ay gacanta ku dhigeen ciidanka Somaliland ka dibna markii ciidankii Itoobiya lala xidhiidhay si nabadgalyo ugu celiyeen dhinaca Itoobiya.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland