4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 8 , 2013
Mudaaharaad looga horjeeday Madaxweynaha Puntland oo Maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) — Muddaaharaad muddo kooban socday oo looga soo horjeedo madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xatunyta gobolka Bari.

NMdaaharaadayaasha oo socod ku maray qaar ka mid ah jidadka waaweyn ee Boosaaso ayaa waxay ku dhawaaqayeen eryo liddi ku ah xukuumadda  uu hoggaaminayo xukuumadda Puntland iyo geedi-socodka dimuqraadiyadda.

Garyaqaan Axmed Maxamed Yuusuf (Taran) oo ka mid ah mas’uuliyiintii soo qaban-qaabiyay dibadbaxaan ayaa u sheegay idaacadda VOA-da in dadku ay ka careysan yihiin muddo kororsiga uu sameeyay Faroole.

“Dibadbaxu wuxuu ahaa mid nabadeed wax dhibaato ah oo ka dhashayna ma jirto, balse dadku waxay ka cabanayaan muddo kororsiga halka sano ah ee uu sameeyya Faroole. Runtiina muddo kororsigu waa mid khasab ah,” ayuu yiri garyaqaanka.

Sidoo kale, garyaqaanku wuxuu sheegay in dadka dibadbaxa sameynayay ay dalbadeen in xukuumaddu ay xilka ka dagto, shacabkuna ay soo doortaan maamul cusub, maadaama Faroole muddo kororsigiisu uu yahay mid khasab ah oo aanu shacabka raalli ka ahayn.

Mar la weydiiyay in madaxweyne Faroole uu sheegay in halka sano uu xilka sii haynayo la diyaarinayo doorashooyin maadaama la ogolaaday in la furto axsaab tartamaysa ayaa yiri: “Waxay ahayd inuu laba sano ka hor billaabo hannaanka xisbiyada iyo diyaargarowga doorashooyinka, balse tani ay tahay mid uu uga dan leeyahay inuu xukunka xoog ku haysto.”

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa wax faragelin ah ku sameyn dibabaxii maanta dhacay, inkastoo maalintii Talaadada ahayd ee lasoo dhaafay ay ciidamadu kala eryeen boqolaal ruux oo qorsheynayay inay dhigaan dibad-bax kan la mid ah.

Inkastoo maamulka Puntland uusan ka hadlin mudaaharaadkii maanta ka dhacay, ayaa haddana wasiirka amniga Puntland, Col. Khaliif Ciise Mudan oo saxaafada la hadlay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa si kulul uga hadlay arrintan, wuxuuna digniin u diray siyaasiyiin uu tilmaamay inay ku howlan yihiin sidii ay qas iyo fowdo uga abuuri lahaayeen Puntland.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya