4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2013
Xaaladda Magaalada Baydhabo oo kacsan

Jimco, February 08, 2013(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xaaladda magaaladaas ay aad u kacsan tahay kaddib markii ay la weeraray hotel uu magaalada Baydhabo ka deganaa guddoomiyaha cusub ee ay dowladda Soomaaliya u magacawday Gobolka Bay.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamo uu horkacayay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey ay weerareen Hotel Eeden oo uu degan yahay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bay Cabdi Aadan Hasoow.

 

Intii aysan ciidamada Guddoomiyihii hore gudaha u gelin hotelka ayaa waxaa goobta soo gaaray Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo la wareegay ammaanka Guddoomiyaha, waxaana lagu soo warramayaa in Guddoomiyihii hore iyo ciidamadiisa ay goobta ka tageen ka hor intii aysan soo gaarin ciidamada Itoobiyaanka ah.

 

Ciidamo faro badan oo raxan-raxan u socda ayaa gudaha magaalada lagu arkaa, kuwaasi oo aan horay gudaha magaalada loogu arki jirin.

 

Guddoomiyihii hore C/fataax Geesey ayaa  ka soo horjeestay go’aan ka soo baxay Dowladda Soomaaliya, kaasi oo guddoomiyenimada gobolka Bay loogu magacaabay Cabdi Aadan Hasoow.

 

La soco wixii ku soo kordha xaaladda Magaalada Baydhabo.

 

 

Xafiiska Wararka Hiiraan Online