4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo Qaahira kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Masar (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga adlka Masar ayaa xalay magaalada Qaahira kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa jaaliyadda ku wargeliyay in Soomaaliya ay hadda dib ugu soo noqoneyso wadaddii toosnayd, loogana baahan yahay in jaaliyadda dibadda ay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka.

Sidoo kale, Xasan Sheekh wuxuu faahfaahin ka bixiyay qorshaha cusub ee ay dowladda ku damacsan tahay inay dalka xasillooni ugu soo celiso, kaasoo ku xusan lixda tiir siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso, amniga iyo cadaaladda ay hormuud ka yihiin.

Wafdiga madaxweyne ee ka qayb-galay xafladda waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimahha dibadda Soomaaliya, Fawziyo Yuusuf Xaaji Aadan, marwadda madaxweynaha, Qamar Cali Cumar iyo wasiir u dowlaha arrimiha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Maxamed Nuur Gacal.

Maalmo ka hor ayuu madaxweynaha Soomaaliya la kulmay jaaliyadda London, sidoo kalena wuxuu kula dardaarmay inay dalka maalgelin ku sameeyaan. Waxaa mudan in la xuso in kumannaan muwaadiniin Soomaaliyeed ah ay dib ugu soo laabanayaan dalka Soomaaliya tan iyo bilihii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka maqan dalka muddo laba todobaad ku dhow, isagoo safarro ku tagay dalalka Itoobiya, Belgium, Ingiriiska iyo Masar oo uu kaga qaybgalay shirkii ururka iskaashiga Islaamka.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya