4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Dilal siyaabo kala duwan looga geystay Degmada Gaarisa ee Dalka Kenya iyo Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab-Kenya

Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa siyaabo kala duwan ugu dilay xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya iyo degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo weerarradaas dhaawacyo loogu geystay dhowr qof oo kale.

Hal qof ayaa lagu dilay magaalada Gaarisa iyadoo dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay weerarkaas oo ay geysteen kooxo hubeysan oo markiiba goobta ka baxsaday, sida ay sheegeen booliiska Kenya.

“Kooxaha hubeysan waxay rasaas ku fureen gaari ay dadweyne la socdeen, markii ay rasaasta ku fureenna way baxsadeen,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, George Losku.

Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo habeenkii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay lagu toogtay bartamaha magaalada Gaarisa sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Kenya.

Dhanka kale, laba qof oo rayid ah ayaa lagu dilay maanta duleedka xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab, kuwaasoo la sheegay inay u baxeen sidii ay xaabo uga soo guran lahaayeen howda ku dhow xerada.

Taliyaha booliiska deegaanka Dhadhaab Shariif Cabdalla, isagoo sidoo kale sheegay in hal qof oo la socday raggan la dilay si xun loo dhaawacay kaas oo lagu daweynayo isbitaal ku yaalla xerada Dhagaxleey.

Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxay hoy u yihiin in ka badan nus malyuun qof oo Soomaali ah, iyadoo tan iyo sannadkii hore ay xerayahaas ka jireen falal ammaan-daro oo intooda badan lagu beegsaday qoxootiga ku jira xeryahaas.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay labadan weerar oo aan la ogeyn inay xiriir leeyihiin iyo in kale, iyadoo weerarradan ay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo sanadkan ka dhaca gudaha Kenya.

Weerarrada ka dhacaya dalka Kenya ayaa sii kordhayay tan iyo markii ay dowladda Kenya go’aansatay inay ciidammo u dirto gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, waxaana saraakiisha Kenya ay weerarrada ku eedeeyaan xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya