4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya kala hadlay Xaaladda Guud ee Somaliland


Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefidigii uu hogaaminayay ayaa la sheegay inuu maanta kulan la yeeshay  Danjiraha Dawlada Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya Ambassador Ropert F. Godec iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Brian Phipps,  oo ah madaxa waaxda safaaradda u qaabilsan Soomaliya iyo Marwo Hodan Hassan oo ah agaasimaha hay’ada USAID.

War-saxaafadeed ka soo baxay kulankaasi ayaa lagu sheegay in lagaga hadlay arrimaha Nabadgelyada, Horumarka, Dhaqaalaha, Siyaasada, kobcinta  Dimuqraadiyada, Xaalada guud ee mandaqada iyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Dalka Maraykanka.

“Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillanayo waxa uu halkaasi ka jeediyey warbixin ka hadlaysa xaallada guud ee  Somaliland iyo sida  ummada reer Somaliland ay  dalkooda hooyo dib ugu dhisteen, isla markaasna ay uga go'an tahay inay gaadhaan yoolka ay higsanayaan ee ah inay dunida ka helaan Aqoonsi Buuxa”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Waxaana la sheegay inuu Madaxweynuhu aad ugu  nuux-nuuxsaday in dalka Somaliland ay ka jirto Nabadgelyo buuxda, isla markaasna ay Shacbiga iyo Xukuumada Somaliland iyaga oo gacmaha is haysta ay heeggan buuxa ugu jiraan inay ka hortagaan cid kasta oo Nabadgelyada wax u dhimaysa, waxa kale oo  uu Madaxweynuhu tilmaamay in Somaliland ay kaalin muhiim ah kaga jirto la dagaalanka Budhcad badeeda iyo Argagixisada, isla mar kaasna uu xidhiidh qoto dheer oo dhinaca Amaanka ahi uu ka dhexeeyo dalka Somaliland iyo wadamada deriska ah iyo dalalka reer galbeedka, mar kastana ay Somaliland diyaar u tahay sidii ay uga qayb qaadan lahayd xoojinta amaanka ee Mandaqada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa kale oo ka war bixiyay in Somaliland ay sii wadi doonto wada hadaladii ay la yeelanaysay Dalka Soomaaliya ee ku saabsanaa sidii la isula meel dhigi lahaa xidhiidhka mustaqbalka ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana uu xusay in ay Somaliland diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax kasta oo lagu xasilanyo amaanka geeska Afrika.

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Dalka  Kenya iyo madaxda kale ee la socotay ayaa waxa ay iyaguna dhinacooda si cad u tilmaameen in Aqoonsigii ay dhawaan siiyeen Dawlada Soomaaliya aanu waxba u dhimayn Xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyay Somaliland iyo Dalka Maraykanka, isla mar kaasna ay sii xoojin doonaan kaalmada uu Maraykanku u fidin jiray Somaliland, waxa kale oo ay sheegeen  inay gacan balaadhan ka geysan doonaan arrimaha Horumarka iyo geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland, isla markaasna  ay taageeri doonaan Doorashooyinka soo socda,  iyaga oo horeba gacan uga geysan jiray doorashooyinkii hore ee dalkeena ka qabsoomay.

Dhinaca kale waxa war-saxaafadeedkaasi ka soo baxday wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland lagu sheegay in Dawlada Maraykanku Martiqaad u fidisay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inuu booqosho ku yimaado Dalka Maraykanka, si uu ula kulmo Madaxda kala duwan ee Dalkaasi Maraykanka.

Kulankan Waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya Dalka Kenya Dr. Maxamuud Cabdilaahi Sifir.

Weftiga madaxweynaha oo labaddii cishe u dambeeyey socdaal ku joogay dalka Kenya ayaa sheegay in dawladda Kenya si heer sare u qaabishay oo la mid ah qaabka lagu qaabilo madaxweyneyaasha la aqoonsan yahay, waxaan la siiyay gaadiidka gaarka ah iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaasha loogu talo galay, waxaana ay tani tilmaan cad u tahay xidhiidhka sii xooggaysanaya ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland iyo Kenya ayaa lagu sheegay war- saxaafadeedkaasi ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland