4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia oo la kulmay boqolaal qof oo ka socday Ururrada Shaqaalaha Dalka (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka dalka isla markaana ah ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Khamiis ah kula kulmay xarunta golaha shacabka boqolaal qof oo ka socday ururrada shaqaalaha dalka. Isagoo ka dhageystay baahida ay qabaan.

Xubnaha kulanka ka qaybgalay oo tiradoodu ahayd 200 qof oo isugu jiray haween iyo rag ayaa waxay ka haldeen dhibaatooyinka ay ka cabanayaan, waxaana kulanka uu intiisa badan looga hadlay sidii dowladda ay gacan ugu siin lahayd ururrada shaqaalaha sidoo ay xuquuqahoodu ku heli lahaayene.

Prof. Jawaari ayaa u sheegay xubana ka socday ururrada shaqaalaha dalka in dowalddu ay diyaar u tahay inay wax ka qabato cabashadooda, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in xubno ka socda ururrada shaqaalaha ee dalka.

Xubno ka mid ah kuwii la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay ka hadleen cabashooyinkooda, iyagoo sheegay inay doonayaan in wax laga qabto dhibaatooyinka ay shaqooyinkooda kala kulmaan, sida inaysan helin xuquuqaadkooda aasaasiga ah.

Mas’uuliyiintii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo sheegay in wax-soo-saarka ay u muuqdaan kuwo sii lumaya sidaa daraadeedna loo baahan yahay inay dowladdu arrintaas wax ka qabato, wuxuuna tusaale u soo qaatay dharka aliindiga ah ee gacanta lagu sameeyo oo markii hore si aad ah loo gadan jiary, balse hadda u muuqda inay ka baxeen suuqyada ganacsiga.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo kulanka soo xiray ayaa kula dar-daarmay xubnaha ka socday ururrada shaqaalaha dalka in mar walba ay muujiyaan adkeysi iyo dulqaad; sidoo kalena wuxuu kula dar-daarmay in waxyaabaha lagu ballamay si loo fuliyo ay kulamaddu noqdaan kuwo joogto ah.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo guddoomiyaha baarlamaanka uu la yeesho xubnno ka socda ururrada shaqaaaha dalka, balse ma ahan kii ugu horreeyay oo uu la yeesho qaybaha bulshada, isagoo horay kulankan oo kale ula yeeshay ardayda wax ka barta jaamacadaha Muqdisho.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya