4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Xildhibaano kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo kasoo horjeestay Maamul ay Dowladdu u magacowday Gobolka Bay

Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) —Xildhibaanno kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Baydhabo ayaa waxay ku sheegeen inay kasoo horjeedaan maamulka cusub loo soo magacaabay gobolka Bay.

Shirka jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan Mustaf Mukhtaar Guudow isagoo sheegay in maamulka hadda lasoo magacaabay uu yahay mid khalad ah oo waqti-xaadirkan lasoo magacaabi karin, wuxuuna sheegay in magacaabistaas ay dowladdu ku deg-degtay.

“Waxaa fiicnaan lahaa in la sameeyo doorasho dadweyne ee uusan qof keliya  soo magacaabin maamul,” ayuu yir xildhibaanka oo ka mid ah xubno si aad ah uga soo horjeeda maamulka ay dowladdu u sameysay gobolka Bay.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa baryahaan ka jiray xaflad qado-sharaf ah oo uu qabanayaye guddoomiyihii hore ee gobolka Bay, Cabdifataax Geesey isagoo raadinaya codka shacab si ay u taageeraan una diidaan maamulka cusub ee dowladda fedaraalka soo magacowday isagoo isku-dayey inuu maamulkiisa difaacdo.

Dhismaha maamulkan cusub ayaa waxaa qayb ka qaatay malaaqyadii soo dhisay dowladda federaalka oo ka kooban dhammaan beelaha Digil iyo Mirifle, iyagoo u gudbiyay wasiirka arrimaha gudaha iyo xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale, waxaa jira hadallo kasoo baxaya golaha aqoon-yahannada Digil iyo Mirifle kuwaasoo sheegaya inaan arrintaas aan lagala tashan; sidoo kalena aan lagala tashan qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxayna xuseen inaan lagu soo xulay xubnahan aqoon.

Baydhabo ayaa waxaa ka jira xiisad dhallin karta gacan ka hadal, waxaana magaalada ku arkaysaa maleeshiyo iyo ciidammo tiro badan oo magaalada gaaf-wareegaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya