4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Xukuumadda Washintong oo ugu baaqay Qaramada Midoobay in Somalia laga Qaado Cunno-qabteynta Hubka

The United States is urging fellow members of the UN Security Council to agree to lift the arms embargo on Somalia, which has been in place for the past 21 years, it has been claimed.
Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Dowaldda Mareykanka ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay inay tixigeliso codsidii dowladda Soomaaliya ee ahaa in cunno-qabteynta hubka laga qaado si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda si ay dalka oo dhan ammaank ugu soo rogto.

Sarkaal sare oo Mareykanka ah ayaa sheegay in dalkiisu uu soo dhaweynayo in cunno-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, si ciidamada dalkaas loo xoojiyo. Isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay koontarooli karto hubka.

“Waxay ila tahay ina la joogo xilligii cunnoqabteynta hubka laga qaadi lahaa Soomaaliya. Waayo dowladda Soomaaliya waa mid joogto ah, dalkuna waa mid madax-bannaan wuxuuna xaq u leeyahay inuu ciyaaro siyaasadihiisa caalamiga ah; innagana waxaa nalaga doonayaa inaan caawinno oo keliya,” ayuu yore sarkaalka oo magaciisa qariyay.

Hadalka sarkaalkan oo u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon uu 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ka dalbaday inay tix-geliyaan dalabkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in cunnoqabateynta hubka laga qaado.

Golaha ammaanka ayaa sannadkii 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunno-qabateynta hubka ee saaran, kaddib markii ay dalkaas ka billowdeen colaado sokeeye oo u dhexeeya hoggaamiyeyaal dagaal oo salka kula jiray beelo.

Siyaasigan Mareykanka ah ayaa sheegay in dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska ay taageersan yihiin in cunno-qabeynta hubka laga qaado Soomaaliya, si dib loogu dhiso ciidamada qalabka sida oo ay hadda caawiyaan ciidammo ka socda dalalka dariska ah iyo kuwo kale oo Afrikaan ah.

Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Ciid Bedel Maxamed oo la hadlay Reuters ayaa yore: “Xilligan Soomaaliya kama jirto cabsi u aaddan in dagaal-oogayaashii hore ay khatar ku yihiin ammaanka iyo degenaashaha dalka. Xaaladdu waa mid wanaagsan, hoggaamiye kooxeedyadiina waxay ka mid yihiin shacabka iyo xubnaha baarlamaanka, sidaa daraadeedna waa in cunno-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya.”

Qaramada Midoobay wax hadal ah oo arrintaan ku saabsan ma soo saarin, iyadoo dalabka Mareykanka uu imaanayo xilli Mareykanka uu bishii lasoo dhaafay sheegay inuu aqoonsaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya