4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo u dhoofay dalka Ingiriiska iyo Mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo Xabsiga loo taxaabay

Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa safar shaqo ugu anbabaxay dalka Ingiriiska si uu ugala soo hadlo wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaasi amni daradii ay ku sheegeen Somaliland iyo sidii ay cilaaqaadka labadda dhinaca uga dhexeeya usoo hagaajin lahaa.

“Waxaan Aniga iyo Weftigaygu aan u ambabaxaynaa dalka Ingiriiska, halkaasi oo aanu kula kulmi doono Wasiirka Arrimaha dibadda William Heague,” ayuu yidhi madaxweyne Siillaanyo oo shalay ka anbaxayey garoonka diyaraadaha ee magaaladdda, waxaanu intaas ku daray “DawladdaIngiriisku waa dawlad cilaaqaad aad u dheeri innaga dhaxeeyay iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh,”

Madaxweynaha oo ka hadlaya khilaafka soo kala dhexgalay dawladda ingiriiska iyo Somaliland waxa uu yidhi “Waa Tii mugdi meesha soo galay, Mugdigaasi meesha waanu ka saaraynaa. imikana waxaan u tagaynaa inaanu wada hadal la yeelano masuuliyiinta Ingiriiska. waxaanan rajaynaynaa inay si fiican noogu dhacdo”.

Safarkan madaxweynaha ayaa daba socda dhawaaqii ka soo yeedhay dawladda Britain ee muwaadiniinteeda ugu baaqday inay ka soo baxaan Somaliland, waxana dhowaaqaas ingiriksa mid la isna soo jeediyey dawladda Maraykanka oo muwaadiniinteeda uga digtay inay Somaliland u safraan.

Arrimahaasi isa soo biirsaday ayaa culays badan ku haya shacabka iyo dawladda Somaliland, in badana ku celceliyey in aanay amni daro dalka ka jirin wax u muuqdaana aanay jirin.

Dhinaca kale, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Axmed Maxamuud ayaa ciidanka amniga ee magaaladda Gabiley xabsiga u taxaabeen ka dib markii ay ka war heleen inuu ku sugan yahay magaaladaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gabiley Saleebaan Ducaalle (Dhegacadde) , ayaa sheegay in ninkani uu ka soo degay madaarka Berbera 22-kii bishii hore isla markaana uu wadanka si dhuumasho ah ku joogay, isla markaana ay ku dabo jireen.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiinta Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ayaa Waxa ka yaalla xeer ah dambiile qaran, kaas oo aanu dalka soo gali karin haddii uu soo galena xabsiga loo taxaabayo.

Xildhibaankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee dawladdan cusub ee Soomaliya ka tirsan ee dalka yimaadda, isla markaana la xidho.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland