4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Ciidamada AmnigaPuntland oo Howlgallo ay xalay Gaalkacayo ka sameeyeen kusoo qabtay in ka badan 200 oo qof

Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Puntland ee gobolka Mudug ayaa xalay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ka sameeyey howlgal ballaaran oo lagu soo qabtay in ka badan 200 oo qof.

Taliyaha ciidamada Booliska ee gobolka Mudug oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka war-bixiyey ujeedada howlgalkan iyo sababta xilligan kusoo beegtay.

G/sare Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay in howlgalkan oo ah mid sii socon doona, islamarkaana ay ka qayb qaadanayaan dhammaan qaybaha kala duwan ee lamaaha ammaanku, lagu soo qabtay dad 200 ka badan.

“Howlgallo siyaado ah ayaa maalmahan socon doona, waxanna ugu tala galnay in aan kooxaha nabad diidka ah kusoo afjarno, xalayna waxan qabanay dad 200 ku dhow” G/sare Jamaac ayaa yiri.

Wuxuuna intaas raaciyey in sababta howlgalkan ka danbeysaa ay tahay kaddib markii ay laamaha ammaanku heleen xog ku saabsan in - kooxo uu nabad-diid ku tilmaamay-  ay magaalada Gaalkacayo soo galeen.

Taliyaha Booliska gobolka Mudug ayaa dhinaca kale tilmaamay in ujeedadoodu aysan ahayn in ay dadka dhibaan, balse ay ku khasaban yihiin in ay qabtaan cid walba oo ay ka shekiyaan, si ay u baaraan.

“Ujeedadeenu ma ahan inaan shacabka dhibno, sida aan ognahay kooxaha nabad diidka ahi waxay ku dhex dhuuntaan bulshada, dadkii aan qabanay waxan ka reebnay 45 qof intii kale waa lasii daayey”

Howlgalkan oo noqonaya kii ugu ballaarnaa ee muddo sanado ah magaalada Gaalkacayo – dhinaca maamulka Puntland- laga sameeyo, wuxuu kusoo aadayaa xilli ammaanka magaaladaasi uu todobaadyadii u danbeeyey ahaa mid aad u wanaagsan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya