4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo kala celineeysa hantida ay kala heystaan dadka Soomaaliyeed

Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Iyadoo tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee Soomaaliya ay dalka Soomaaliya ka dhaceen colaado u dhexeeyay qabaa’illada Soomaaliyeed kuwaasoo sababay in la isku ugaarsado qaab qabiil iyo weliba in lakala dhaco hanti ayay dowladda Soomaaliya shaaca ka qaaday in ay dhiseeyso guddi qaran oo kasoo talo bixiya habka ugu haboon ee dib loogu celin karo hantida ay kala heystaan dadka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in maalmaha foodda nagu soo hayo ay dhiseyso guddigaasi, oo kasoo talo bixin doona habka ugu haboon ee loo celin karo hantida maguurtada ah ee ay kala heystaan dadka Soomaaliyeed, arintaasoo ay dowladdu sheegtay in ay tahay mid dhiiri gelin doonta kalsoonidii dadka iyo weliba in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/xakiim Xuseen Guuleed oo la hadlayay boqollaal qof oo katirsan qurba joogta dib ugu soo laabatay dalka ayaa sheegay in maalmaha soo socdo ay xukuumaddu ku dhawaaqi doonto gudigaasi, si dib loogu celiyo hantida ay dadku kala heystaan.

“Ma dhici doonto qof Soomaaliyeed oo magaalada Muqdisho jooga in hantidiisa lagu heeysto, marna ma dhici doonto iyo gobollada dalka oo dhanba,” ayuu yiri masuulkani.

Sidoo kale wasiirka ayaa ugu baaqay qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka, islamarkaasina ay maalgeshi ku sameeyaan dalka, isagoona sheegay in taasi ay horseedi karto in dalku dago, lana gaaro horumar.

“Hadaan nahay xukuumadda Soomaaliya waxaan soo dhaweyneynaa cid kasta oo Soomaaliyeed oo oo dalka inay maalgashato diyaar u ah,” ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay.

Hadalkan kasoo yeeray xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan guryo iyo hanti fara badan oo mudadii burburka jiray ay kala heysteen dadka Soomaaliyeed, waxaana dad badan ay aaminsanyihiin in tallabadani ay tahay mid dowladda Soomaaliya ay ku kasban karto taageerada shacabka Soomaaliyeed.

……………
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya