4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2013
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xabsiyo isku mid ah ku ridday Haweeney la kufsday iyo Wariye C/casiis Koronto (SAWIRRO)

AFP PHOTO/Mohamed AbdiwahabMohamed Abdiwahab/AFP/Getty Images
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta Talaado ah xukun min hal sano oo xabsi ah, wariye C/casiis C/nuur Ibraahim (Koronto) iyo haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidammo kuwa dsowladda Soomaaliya, iyadoo xukunkan ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socda baarlamaanka iyo ehellada eedeysanayaasha.

Dacwadda wariyaha iyo haweeneyda maanta la xukumay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay faafiyeen warar been abuur ah, iyadoo xukunka labadan qof uu qaatay garsooraha maxkamadda, kaddib markii dacwaddu ay saakay dib u furantay.

Somali journalist Abdiaziz Abdinuur Ibrahim is pictured in court in Mogadishu on February 5, 2013. A Somali court has sentenced a woman who said she was raped by security forces and journalist Abdinuur, who interviewed her, saying they were guilty of insulting the state. Abdinuur, who works for several Somali radio stations as well as international media, was detained on January 10, 2013 after researching rampant sexual violence in Somalia. Human rights groups have condemned the ruling against the rape victim and Abdinuur.
Wariye Cabdicasiis C/nuur Ibraahim (Koronto) iyo Luul Cali Cismaan oo ah gabadha la kufsaday

“Maxkamaddu waxay ku xukuntay eedeysane C/casiis C/nuur Ibraahim iyo Luul Cali Cismaan min hal sano oo xabsi ah, balse Luul xabsiga lama geynayo waayo waxay nuujinaysaa cunug yar, laba sano kaddib ayaana xabsiga la dhigi doonaa,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Axmed Aadan Faarax oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadeed.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay sii daysay saddex qof oo kale oo iyagana ka mid ahaa eedeysanayaashii maxkamadda la horkeenay balse lagu waayay dambigii lagu soo oogay, kuwaasoo kala ah: Xaawo Xasan Cali, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xuseen iyo Muxyadiin Sheekh Maxamed.

Garsoorka maxkamadda gobolka ayaa sheegay in wariyaha iyo haweeneyda la xukumay ay ku cadaadeen dambiyadii lagu soo eedeeyay, taasoo keentay in xukun min hal sano ah lagu rido.

Somali security forces try to disperse Somali journalists outside a court in Mogadishu on February 5, 2013.

Xabsiga lagu riday wariyaha ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay ku riddo maxkamadda gobolka Banaadir wariye ka howlgala magaalada Muqdisho tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo laga joogo 22-sano.

Hay’adaha saxaafadda iyo kuwa xuquuqda aadanaha ayaa horay u sheegay in kiiskan uu yahay mid la doonayo in afka lagu qabto xorriyadda hadalka iyo tan saxaafadda Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya