4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2013
Saraakiisha AMISOM oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Baladweyne


Talaado, Feberaayo, 05, 2013 (HOL) – Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Baladweyne Saraakiisha AMISOM ayeey faah faahin dheeraad ah uga bixiyeen dagaal culus oo habeenimadii Jimcihii aynu soo dhaafnay ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ciidamada AMISOM, kuwa dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.

Abaanduulaha guud ee ciidamada AMISOM Jen Cismaan Subagle oo shirka jaraa’id ugu horeyn ka hadllay ayaa ka warbixiyay sidii uu dagaallka u dhacay iyo ciidamada Jabuuti qaabkii ay ku wajaheen xoogaggii weerarka soo qaaday.

Waxaa uu sheegay in dhowr jiho laga soo weeraray saldhigyo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne, isaga oo intaa raaciyay in uu halkaa ka dhacay dagaal saacado badan qaatay.

Inkastoo uu dagaalku ahaa mid cuslaa ayuu haddana sheegay in mar walba ku dadaalayeen ciidamada Jabuuti in wax khasaare ah uusan ka soo gaarin dagaallka dadka rayidka ah ee ku noolaa xaafadaha ay dirirtu ka socotay.

‘’Waxaan awoodeena oo idil isugu geynay sidii aan xabada ciidamadeena iyo tan cadawga intaba uga ilaalin laheyn dadka rayidka ah, annaga oo ku dadaalnay wixii khsaare ah ee dhacaya in ay noqdaan kuwo ku kooban qeybaha uu dagaallku dhaxmarayo,’’ ayuu yiri Jen Cismaan Subagle.

Laakiin waxaa uu sheegay in ay aheyd arin nasiib darro ah sida uu hadalka u dhigay in xili habeenimo ah oo ay dadku hurdaan in kooxaha weerarka soo qaaday madaafiic ku garaacaan xaafado ay dad rayid ah degan yihiin taasoo keentay in ay dhaawacmaan dad shacab ah.

‘’Waxaan ka war helnay iyadoo uu dagaalku socdo in ay jiraan dad shacab ah oo ku dhawacmay madfac gurigooda ku dul dhacay oo ay soo rideen cadawga, markiiba xabada oo socta ayeey ciidamadeena u gurmadeen dadka rayidka ah ee dhaawacmay, waxaanna hadda lagu daweynayaa magaalada Muqdisho oo aan u qaadnay,’’ ayuu yiri Jen Subagle.

Waxaa uu beeniyay, waxba kama jiraanna ku sheegay wararka sheegaya in ay jiraan maxaabiis ama meydad askar ka tirsan ciidamada Jabuuti oo ku dhimatay dagaallka oo ay hayaan Al-shabaab, isaga oo sheegay in hadiiba uu jiro warkaas looga baahan yahay in ay soo bandhigaan.

‘’Waa warar iska dacaayad ah, ma jiraan anaga askar naga dhimatay ama maxaabiis ah oo ay kooxahaasi hayaan, annaga ma qarineyno hal askari oo kaliya ayaa dagaallka nooga dhintay, waayo ciidamadeena xuquuq ayeey leeyihiin, waa qasab in aan sheegno haddii ay jiraan cid wax noqotay,’’ ayuu yiri Jen Subagle.

Laakiin taa badalkeeda waxaa uu sheegay in ay gacanta ku hayaan xiligan rag sida uu sheegay ka tirsan kooxihii weerarka ku soo qaaday fariisimaha ciidamada Jabuuti, dhawaanna loo soo bandhigi doono warbaahinta.

Sidoo kale Col Cismaan Dubad oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM oo shirka Jaraa’id dhinaciisa ka hadllay ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dhalinyarrada yar-yar ee ka tirsan Al-shabaab oo uu xusay in ay si micno la’aan ah ugu dhimanayaan dagaallada.

‘’Annaga runtii kuma farxeyno in qof Soomaali ah oo uu si micno la’aan ah gacanteena ugu dhinto, si gaar ah waxaan uga xunnahay dhalinyarada yar-yar ee kooxdaas ay u adeegsaneyso dagaallada si ay dhufeysyo uga dhigtaan, waxaan jeclaan laheyn in ay iska noolaadaan oo ay mustaqbalkooda hagaajistaan,’’ ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Waxaa uu sheegay in dagaallkii dhawaan ka dhacay magaalada Baladweyne ay ku waayeen Al-shabaab rag sar-sare oo u qaabilsanaa gobollada dhexe, isaga oo ugu baaqay dhalinyarrada ka tirsan Al-shabaab in aan mar kale lagu soo qaldin dagaallada noocaas oo kale ah.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM ee shirka jaraa’id qabtay ayaa si weyn u amaanay ciidamada dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan oo sida ay sheegeen muujiyay geesnimo iyo awood dheeraad ah intii uu socday dagaallka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
D[email protected]
Baladweyn, Soomaaliya