4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2013
Qarax Xooggan oo Ciidamada Itoobiya lagula Beegsaday Bartanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) —Qarax xooggan ayaa gudaha magaalada Baydhabo lagula eegtay askar katirsan ciidamada Itoobiya xilli ay marayeen bartamaha magaalada gaar ahaan halka loo yaqaan afar-irdoodka.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa Itoobiya oo doonayay in ay ka dukaameystaan suuqa, waxaana uu khasaarooyin kasoo gaaray askartii qaraxa lala eegtay iyo dadka rayid ah.

Goobjooge ku sugan magaalada Baydhabo ayaa HOL u xaqiijiyay in qaraxa uu sababay dhaawac soo gaaray laba askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo todobo qof oo rayid ah, mana jiraan wax dhimasha ah oo ka dhashay qaraxaasi.

Halka qaraxa uu ka dhacay ayaa ahayd goob ganacsi oo aad u mashquul badan, waxaana qaraxa ka dib uu hakad ku yimid dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray suuqaasi, iyadoona ay durba goobta soo gaareen ciidamo katirsan kuwa Dowladda iyo Itoobiya kuwaasoo goobta ka bilaabay baaritaanno lagu baadigoobayo dadkii qaraxa ka danbeeyay.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Baydhabo ka taagan muran ka dhashay maamul cusub oo ay soo magacowday dowladda Soomaaliya, iyadoona maamulkaasi ay siweyn uga soo horjeesteen xubno sar-sare oo ka tirsan maamulkii hore uga dhisnaa degmadaasi.

Dadka sida weyn uga soo horjeeda maamulka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday degmadaasi waxaa kamid ah gudoomiyaha gobolka Baay C/fitaax Ibraahim Geeseey.

Masuulkani ayaa la filayaa in uu goordhow qabto shir jaraa’id oo uu uga hadlayo aragtidiisa ku aadan maamulka cusub ee ay soo magacoowday dowladda Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa kamid ah goobaha lagala wareegay xoogagga Al-shabaab, waxaana magaaladaasi gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Itoobiya iyo cutubyo katirsan ciidamada nabad ilaalin Midowga Afrika (AMISOM).

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya