4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2013
Madaxweyne Siilaanyo oo isku shaandheyn ku sameeyay Guddoomiyeyaashii Gobollada, Wasiirna kusoo daray Xukuumadiisa

Talaado, Febraayo,5, 2013 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Mudane:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa markii ugu horeysay isku bedelay Badhasaabyaddii goboladda, isla markaana magacaabay wasiiro ku xigeeno cusub iyo Maareeyayaal cusub.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1568/022013 uu isku bedel ku sameeyey Badhasaabada Dalka qaar ka mida”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Badhasaabyada ama guddoomiyeyaasha gobollada ee la isku bedelay waxay kala yihiin:

  1. Maxamed Maxamuud Cali oo hore u ahaa gudoomiyihii gobolka Sool waxa laga dhigay badhasaabka gobolka Maroodi jeex.
  2. Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), oo laga bedelay gobolka Maroodi jeex laga dhigay gudoomiyaha gobolka Gobolka Togdheer.
  3. Maxamed Faarax Aden, oo ah masuul cusub waxa laga dhigay Gudoomiyaha Gobolka Sool.
  4. Cabdoo Axmed Aayer oo laga soo bedelay gobolka Togdheer waxa laga dhigay Gudoomiyaha Gobolka Awdal .
  5. Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag.
  6. Yuusuf Ibraahim Geedi oo hore u ahaa gudoomiyaha gobolka Oodweyne waxa laga dhigay Gudoomiyaha Gobolka Gabiley.
  7. Jamaal Xuseen Hurre, ayaa laga soo bedelay gobolka Hawd waxaana laga dhigay Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne.
  8. Cabdilaahi Faarax Maydhane waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Selel.
  9. Ibraahim Xasan Cali oo hore u ahaa gudoomiyaha gobolka Saraar waxa laga dhigay Gudoomiyaha Gobolka Hawd.
  10. Mudane, Axmed Cali Nuur oo hore u ahaa gudoomiyaha gobolka Gabiley waxa laga dhigay Gudoomiyaha Gobolka Saraar.

Waxa xilkooddii laga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Awdal Mudane, Axmed Xadi Sidci oo uu madaxweynuhu uga mahadnaqay mudadii uu xilkan qaranka soo waday haatana uu xilka ku wareejiyo Gudoomiyahan Cusub. 

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu xilkii maareeyaha hay’adda xidhiidhinta Raashinka (FCA) u magaacabay Mudane, Yuusuf Cismaan Garas iyadoo Hay’addaasi la hoos geeyey Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland.

Waxa kale oo maareeyaha wakaaladda wadooyinka loo magacaabay Prof. Xasan Cali Cismaan oo noqon doona Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority), halka xilkii ay hayeen laga qaaday Maareeyihii hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA), Mudane, Maxamed Daahir Axmed iyo Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee, C/waaxid C/qaadir.

Sidoo kale, waxa wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga loo magacaabay Aaden Diiriye Cigaal, halka Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga dhigay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Somaliland.

Si kastaba aha ahaatee, waa markii ugu horeysay ee badhasaabyada la isku bedelo halka barigii hore gobol walba loo magacaabi jiray nin ka soo jeedda deegaankiisa, taas oo saaka markii la maqlay isku bedelka badhasaabyada turtaba dood ka dhex dhalisay dadweynihii Somaliland, haseyeeshe waa la filayey in isbedel lagu sameeyo badhasaabyada balse in la isku bedelo lama filayn, waxaanay arrinta ugu weyn ee keentay isbedelka ay tahay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka oo wax badan ka bedeshay hab qaybsiga saamiyaddda beelaha wada dega magaalooyinka waaweyn, iyadoo inta badan ay maayiro noqdeen muuliyiin ay isku deegaan ka soo jeedaan badhasaabyadda, taasina ay keentay in laba masuul oo isku dhinac ahi noqdaan badhasaab iyo maayar magaalo, taas oo guux badan ka dhalisay magaalooyinka qaar, taasina ay keentay in la kala bedelo, maadaama uuu madaxweynuhu awood u leeyahay inuu bedelo badhasaabka, halka aanu maayarka bedeli karin maadaama oo cod dadweyne ku yimid.

Arrintaasina waxay keentay inuu kala bedelo maayiradda iyo badhasaabyadda isku deegaanka ka soo wada jeedda, isla markaana uu ku soo bedelo badhasaabyo deegaano kale u dashay si la iskugu walaaqo xeer jajabka la caadaystay ee badhasaab walba deegaankiisa laga soo xulay ama uu maamulaayey, waana markii ugu horeyey ee madaxweyneyaashii soo maray Somaliland ku dhaqaaaqaan talaabaddan, taas oo yaab ku noqotay bulshaddii maalmana la hadal hayn doono.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland