4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2013
Dowladda Somalia oo Maamul KMG ah u Magacowday Gobolka Bay iyo mas'uul kasoo hojeestay Maamulkan Cusub

Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maamul cusub oo shaqeynaya lixda bilood ee soo socda u magacowday gobolka Bay iyo degmada Baydhabo ee xarunta gobolkaas, iyadoo maamulkaas uu kasoo horjeestay guddoomiyihii gobolka Bay ee la bedelay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey).

Wareegto kasoo baxday guddoomiyaha baarlamaanka oo ah ku simaha xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha gobolka Bay loo magacaabay, Cabdi Aadan Hoosoow iyadoo xilkii laga qaaday Cabdifitaax Geeseey.

guddoomiye ku xigeenka maaliyadda iyo maamulka gobolka Bay ayaa waxaa loo magacabay, Mustaf Ibraabim Cali (Sanbuur) iyadoo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada loo magacaabay, Ibraahim Xuseen Xasan.

Sidoo kale, waxaa wareegtada lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Baydhabo uu sii ahaanayo mas’uulkii jagadan horay u hayay, Xasan Macallin Axmed (Biikole), iyadoo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda loo magacaabay, C/qaadir Sheekh Cali Aadan (Barako), guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda, Maxamed Macallin Ibraahim (Dhalo-dheere), guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada, Sandheere Maxamed iftin iyo xoghayaha dowladda hoose ee degmada Baydhabo oo loo magacaabay Axmed Maaddeey Isaaq.

Wareegtada oo ku taariikheysnayd 04/02/2013 ayaa waxaa ku saxiinaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo la sheegay in lagu soo saaray soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed iyo malaaqyadii arrintan u xilsaarnaa.

Dhanka kale, guddoomiyaha xilka laga qaaday ee gobolka Bay, C/fitaax Geeseey ayaa kasoo horjeestay wareegtadan, isagoo sheegay inaan loo marin soo saarista wareegtadan habkii sharciga ahaa, wuxuuna sheegay inuu isagu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee gobolka Bay.

Geeseey oo wareysi siiyay VOA-da isagoo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in isaga ay soo doorteen dadka deegaanka, uuna bedeli karo qof ay dadka deegaanku soo doortaan, balse uusan ogolaanayn in maamul dusha laga keenay uu xilka ku wareejiyo.

Lama oga go’aanka ay dowladdu ka qaadanayso diidmada guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Bay, iyadoo Geeseey uu ahaa guddoomiyaha gobolka Bay sannadihii ay Al-shabaab gacanta ku haysay degmooyinka gobolka Bay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya