4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2013
Maxaabiista ku jira Xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo oo ka cabanaya in aysan helin Garsoor iyo Nolol xumo

Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) — Maxaabiista ku jirto xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo oo tiradoodu gaarayso 240 maxbuus, ayaa waxay ka cabanayaa qaarkood inaysan helin garsoor daacad ah iyo nolal xumo. Sidoo kale waxay ka cabanayaan kuleyl aad u daran, iyadoo maxaabiista qaarkood uu maqaarku ka dhacay.

Dhibaatooyinka kale ee ay ka cabanayaan maxaabiista ayaa waxaa ka mid ah in xukankooda ay ku darsadeen bilooyin dheeraad ah oo aan dib loosoo fiirin, iyagoo sheegay in lagu xukumay saddex illaa lix bilood ayna ku darsadeen maalmo dheeri ah. Halka kuwo kale oo lagu xukumay lix sano illaa 10 sano ay ka cabanayaan inaysan helin garsoor daacad ah, iyadoo qaar ka kalena ay ka cabanayaan inay xabsiga isaga jiraan iyagoo aan la xukumin.

Xabsiga dhexe ee Baydhabo ayaa la dhisay xilligii Talyaanigu uu ku sugnaa Soomaaliya, waana xabsi aad u kulul oo aan lahayn daaqado, iyadoo taasi ay keentay in maxaabiista ay la kulmeen kuleyl aad u daran, iyadoo qaar ka mid ah ay xabsiga la jiifaan dar-xumo iyo daawo la’aan.

Maxaabiista ayaa sheegay in 24kii saacadood ay helaan hawada muddo 30 daqiiqadood ah; iyagoo muddadaas soo daadiya saxarda, kaadida iyo inay soo qubeystaan, iyadoo raashin ahaan loo siiyo subaxdii hal rooti iyo koob shaah ah,. Duhurkii waxaa loo kariyaa 25-kiilo oo bariis iyo shan kiilo oo hilib geel ah, kumana filna 240-maxbuus ee xabsiga ku jira.

Sidoo kale, maxaabiista ayaa sheegay inaysan arkin qof ay cabashadooda u sheegtaan, waxayna  xuseen in shanta Salaadood ay helin biyo ay weyso ka dhigtaan, taas bedelkeedana waxay sheegeen inay darbiga xabsiga ku gabo-gabeystaan marka la gaaro xilliyada salaadda.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalmahan ka soconaya is jiid-jiid dhanka siyaasadda ah iyo marti-qaadyo ay bixinayaa rag doonaya inay ka qayb-galaan maamulka cusub ee loo samaynayo gobolka Bay; iyadoo sidoo kale ay qaybsameen malaaqyadii iyo xildhibaannadii loo xilsaaray maamul loo sameeyo gobalka Bay.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta loo xilsaaray maamul u sameynta gobolka Bay ayaa soo jeediyay inaan la bedelin maamulka hadda ka talimaya gobalka iyo kuwo kale oo kasoo horjeeda arrintaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya