4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2013
Dagaalyahanno Taabacsan Al-shabaab oo Weeraray Xarumo ay Deggen yihiin Hay'ado samafal oo ku yaalla Baydhabo

Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday xarumo ay Baydhabo ka deggen yihiin saddex hay’adood oo ka shaqeeya samafalka, kuwaasoo kala ah: MINE ACTION, USAID iyo TIS, waxayna sidoo kale weerareen saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin suuqa xoolaha Baydhabo.

Weerarkan oo dhacay 11:00 habeenimo ee xalay ayaan la ogeyn khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac, balse goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladdu ay is-dhaafsadeen hubka fudud, iyadoo xoogagga Al-shabaab ay dib uga baxeen magaalada markii uu dagaalku dhammaaday.

Maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo ayaan ka hadlin weerarkan, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab weerar kusoo qaaddo xarumaha hay’adaha samafalka ay ka deggen yihiin magaalada Baydhabo.

Degmada Baydhabo oo 245-km dhinaca galbeed kaga began Muqdisho ayaa waxaa Al-shabaab laga qabsaday muddo sannad laga joogo, iyadoo tan iyo xilligaas ay Al-shabaab weerarro ka geysanaysay gudaha degmadaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda, kuwa AMIOSM iyo kuwa Itoobiya.

Hiiraan Online, News Desk