4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2013
Al-shabaab oo ka furatay bog cusub barta ay ku xiriiraan Bulshada ee Twitter, kaddib markii laga xiray boggeedii hore


Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ka furatay bog cusub barta isku xirka bulshada ee Twitter, kaddib markii laba toddobaad ka hor laga xiray kooxdan bar ay ku lahayd Twitter, kaasoo ay kusoo bandhigi jirtay wararka ku saabsan dagaallada ay kula jirto ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya.

Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegtay in boggaan uu la mid noqonayo boggii hore ee Twitter-ka ay ku lahaayeen ayna wararkooda kusoo bandhigi doonaan. Iyadoo bartan ciwaankeedu yahah @HSMPress1.

Al-shabaab ayaa bartii hore ee laga xiray waxay ku daabici jirtay luuqadda Ingiriiska, waxaana la xiray markii ay ku baahisay hanjabaad ku aaddanayd dilka sarkaal Faransiis ah oo muddo gacanta ku hayeen iyo hanjabaad ku saabsan inay dili doonaan muwaadiniin Kenyan ah oo ay gacanta ku hayaan.

Twitter-ka ayaa waxay sheegeen in sharciyadooda ay ka mid yihiin inaan loo adeegsan bartooda hanjabaad iyo colaad, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin xiriddii boggii hore ee Al-shabaab ay ku lahayd bartan.

Boggan cusub ee Al-shabaab ay ka furatay Twitter ayaa waxaa durba xubno ka noqday 280-qof, halka boggii hore ee laga xiray ay xubno ka ahaayeen in ka badan 2,000 oo qof.

Saadaallo la bixiyay ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay muddo dheer ka shaqeynaysay sidii Al-shabaab looga xiri lahaa boggaa ay Twitter ku leedahay, balse waxay raadinaysay sidii arrintan fursad ugu heli lahayd.

Tan iyo billowgii sannadkii hore ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa waxay Al-shabaab ka saareen deeganno badan oo ay ka talinaysay, inkastoo weli ay ka taliso deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay la hadli doonaan Al-shabaab haddii ay mowqifkooda ka tanaasulaan, haddii kale ay dowladdu awood ciidan u isticmaali doono sidii ay dalka oo dhan uga saari lahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya