4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2013
Rag kasoo goostay Al-shabaab oo lagu soo Bandhigay Degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Isniin, Feberaayo, 04, 2013 (HOL) -- Saraakiisha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta magaalada Baladweyne ku soo bandhigay shan ruux oo sida ay sheegeen ka soo goosatay xarakada Al-shabaab oo ay horay uga tirsanaan jireen.

Col Isaaq Cali C/dulle taliyaha saldhigga booliska magaalada Baladweyne oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in raggan isku soo dhiibay maamulka gobolka Hiiraan siyaabo kala duwan uga tirsanaayeen kooxda Al-shabaab, laakiin markii danbe qaatay go’aanka ah in ay isaga soo baxaan.

‘’Raggan aad arkeysaan waxaa ay horay uga tirsanaan jireen Al-shabaab, iyaga oo ka faa’idesanaya cafiskii madaxweynaha dowladda Soomaaliya waxaa ay go’aan ku gaareen in ay ka soo haraan kooxdaas, kuna soo biiraan hanaanka nabadda,’’ ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska magaalada Baladweyne.

Bishaar Yuusuf Dacar oo ka mid ahaa raggii maanta lagu soo bandhigay magaalada Baladweyne ee ka soo goostay Al-shabaab, ayaa sheegay in uu mudo dheer ka tirsanaa kooxda, kana dagaallamay gobollka Galguduud gaar ahaan magaalada Dhuusa-mareeb.

‘’Aniga waxaan ka tirsanaa Al-shabaab mudo dheer, gaar ahaan waxaan ka soo dagaallamay qeybo kala duwan oo ka mid ah gobollka Galgaduud si gaar ah magaalada Dhuusa-mareeb, haddana waxaan diyaar u ahay in aan ku biiro ciidamada dowladda,’’ ayuu yiri Bishaar Yuusuf Dacar.

Ragga maanta lagu soo bandhigay magaalada Baladweyne ayaa dhamaantood sheegay in ay ka xun yihiin mudadii ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, xiliganna diyaar u yihiin in ay ka mid noqdaan bulshada magaalada.

Taliyaha qeybta booliiska magaalada Baladweyne Col Isaaq Cali C/dulle ayaa ugu baaqay wali dhalinyarrada ku sii harsan Al-shabaab in ay ku soo biiraan hanaanka nabadda, iyaga oo ka faa’ideysanaya sida uu hadalka u dhigay cafiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Raggan maanta lagu soo bandhigay magaalada Baladweyne ee la sheegay in ay ka soo goosteen Al-shabaab ayaa ku soo beegmaya xilli dagaal culus oo leysku adeegsaday noocyada hub ku dhaxmaray labo habeen ka hor magaalada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, AMISOM iyo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya