4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2013
Shacabka Xaafadda Shiikh Mubaarak ee Magaalada Hargeysa oo waddo cusub ka Hir-geliyay Xaafaddooda

Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) — Marwadda Kowaad ee madaxweynaha  Somaliland, Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Waris) ayaa shalay oo Axad ahayd xadhiga ka jartay waddo cusub oo hal killo mitir ah oo loo sameeyey xaafadaha Sheekh Nuur, Daami illaa Sheekh Mubaarak ee degmadda Gacan libaax ee magaalada Hargeysa.

Wadaddan oo inta badan ay gacan ka geysteen dadweynaha ku nool xaafadahaasi ayaa dhererkeedu dhamayd hal killo mitir, waxaana munaasibad balaadhan oo  lagu furayey wadadaasi ka soo qaybgalay Badhasaabka gobolka Maroodi jeex, Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshadda iyo beelaha laga tiradda badan yahay, xoghayaha dawladda hoose, Taliye ku xigeenka Ciidanka booliska, xildhibaano iyo dadweynaha ku nool xaafadaasi.

Marwadda Kowaad ee madaxweynaha Marwo:Aamino Waris ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay dhamaystirka wadadan oo isku xidhi doonto xaafaddo kala duwan, waxaanay xustay inay kor u qaadi doonto wadadani dhaqaalaha iyo isku xidhnaanta bulshadda, iyadoo cidkasta oo gacan ka gaystay ugu mahad cellisay.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Cabdilaahi Abokor Cismaan, waxaanu sheegay in wadadani marxaladdo kala duwan soo martay,waxaanay dhererkeedu dhan tahay hal killo mitir iyo  laba boqol oo Mitir, haseyeeshee maanta la dhamaystiray halka killo mitir.

Badhasabka gobolka Maroodi jeex Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje oo halkaasi ka hadlay ayaa isna ka waramay faa’iidada ay wadooyinku uu leeyihiin dadweynaha ku dhaqan xaafadaha, waxaanu shacabka Somaliland ku booriyey inay wadooyinkoodda cusub ilaashadaan.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xildhibaano, cuqaal iyo dadweynaha xaafadda oo si weyn ugu faraxsan wadadan wajigii kowaad loo dhamaystaray, maadaama oo xaafadahaasi waddadan aad ugu baahnaayeen, isla markaana isku socodka iyo horumarka xaafaduhu ay muhiim u tahay in wadooyin fiican ka jirto.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa baryahan dambe si weyn ugu tartamayey inay xaafad kasta wadooyin samaysato, waxaan wadooyinkani ka qaybqaadanayaan horumarka ay dadweynuhu rabaan inay deegaanadooda ka sameeyaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland