4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2013
WASIIRKA AMNIGA PUNTLAND: "Dadkii diley Suldaan Muuse Faarax meel kasta oo ay tagaan gacanta ayaa lagu soo dhigayaa"


Axad, Febaraayo 3, 2013 (HOL)-Waxaa maanta xabaalaha Biyo-kulule ee magaalada Boosaaso lagu aasay AHN Suldaan Muuse Faarax Muuse (unkud) oo shalay koox dabley ahi ay ku toogteen bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Aaska suldaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay in badan oo kamid ah Isimada waaweyn ee Puntland iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen: Wasiirka amniga, taliyaha ciidamada Daraawiishta, taliyaha Booliska, xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan iyo weliba maamulka degmada Boosaaso.

 

Sidoo kale waxaa aaska kasoo qayb galay madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamud Muuse Xirsi (Cadde) iyo dadweyne kale oo u badnaa ehelada Suldaanka geeriyoodey.

 

Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo aaska kadib war-fidiyeenada xabaalaha kula hadlay, ayaa ugu horeyn tacsi u diray umadda Puntland gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka tegey Suldaan Muuse Faarax Muuse.

 

Wasiirka ayaa dhinaca kale ugu baaqay ehelada Suldaanka in ay xaaladda dejiyaan, islamarkaana ay ka warsugaan natiijada kasoo baxda baaritaanka ay laamaha ammaanku wadaan, wuxuuna ka digey in tallaabo aargudasho ah qaadaan.

 


“Suldaanka waxa dishey gacan ka xaq daran, Gacan-ku-dhiigleyaashii waxan haynaa raadkooda, sida ugu dhaqsaha badan ayaana gacanta loogu so dhigi doonaa meel walba oo ay tagaan” Col. Khaliif ayaa yiri.

 

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo kamid ahaa isimadii aaska Suldaan Muuse kasoo qayb galay, islamarkaana ay saaxiibo dhow ahaayeen ayaa isna ka tacsiyeeyey geeridiisa, wuxuuna wax ka taabtay taariikh nololeedkiisii isagoo xusay in uu ahaa nin wanaagsan.

 

Suldaan Muuse Faarax Muuse (Unkud) oo ahaa Isimka guud ee beelaha (Ugaas Saleebaan) waxaa shalay lagu toogtey magaalada Boosaaso, mana jirto ilaa iyo hadda cid dilkiisa loosoo qabtay, waxaana soo baxaya warar aan la hubin oo tibaaxaya in dilkiisu uu ahaa mid salka ku haya aano qabiil.

  

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online.

[email protected]

Puntland, Soomaaliya